Sabti, 29, August 2026 {HMC} Dawladda Afgaanistaan ayaa lagu warramayaa inay ku baaqday safaaradda Mareykanka in dib loogu furo magaalada Kabul oo dib loo soo celiyo xiriirkii diblomaasiyadeed ee Mareykanka iyo Afgaanistaan, iyadoo sidoo kale la sheegay ururka Taalibaan ee xukunka qoriga kula wareegay inay hadda beddeleen siyaasadii dagaalka oo ay doonayaan inay dunidda u furaan Afgaanistaan, sida ay weriyeen warbaahinta dawladda Sacuudiga ee Al Hadath iyo Al Arabiya.
Go’aankan ujeeddada ka dambeysa waxaa lagu sheegay Taalibaan inay doonayaan Mareykanka inuu cunaqabateynta ka qaado oo la fasaxo lacagaha ka xanniban Afgaanistaan,waxayna aaminsanyihiin in tallaabooyinkaas ay gacan ka geysan karaan hagaajinta xiriirka labada dhinac.

