Talaado 25 Aug 2026 {HMC} Mareykanka ayaa diblomaasiyiintii uu ka saaray inta uu socday dagaalka Iiraan dib ugu celinaya safaaradaha ku yaalla dalalka Bariga Dhexe, sida ay shaacisay waaxda arrimaha dibadda Mareykanka.
Ma cadda inay tani ku filantahay Mareykanka inuu soo afjarayo dagaalka Iiraan, maaddama uu hadda dib u celinayo diblomaasiyiinta iyo qoysaskooda horey looga saaray Bariga Dhexe ,iyadoo laga fogeynayo inay la kulmaan weerarrada Iiraan.

