Abiy Ahmed oo Noqonaayo Madaxweynihii ugu horeeyay Itoobiya oo Awood leh kadib markii uu badalay Dastuurka Dalkaas.

Axad 23 Aug 2026 {HMC}  Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa damacsan in uu noqdo Madaxweynihii ugu horreeyay ee Dowladda Federaalka Itoobiya oo awood buuxda leh lana dooran karo muddo labo jeer ah oo min 6 sano ah.Time & Calendars

Tallaabadaan waxa ay qayb ka tahay qorshaha wax ka baddelka Dastuurka Itoobiya, waxaa meesha laga saaray awoodda Baarlamaanka ee Magacaabista Ra’iisul Wasaaraha oo ka awood badnaa Madaxweynaha Dalkaas.

Itoobiya ayaa si ay u xakamayso doodaha ka imaan kara dhinacyada kasoo horjeeda dib u eegista Dastuurka waxa ay qaadday tallaabooyin cusub sida in Ismaamullada laga mamnuuco awooddii u ogolaanaysay inay ka go’aan Dalkaas.

Sheekadaan ayaa lagu xiray hadal horay Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed uu ka dhex sheegay Xisbigiisa Barwaaqo July 2026 oo ahaa in la xadido awoodda muddada xilhaynta Itoobiya oo labo mar oo keliya qofka fursad loo siiyo.

Ilo kale oo sii xoojiyay arrintaan ayaa soo daliilsaday in 13kii Bishaan ay ku taliyeen qaar kamid ah ka qaybgalayaasha Wadahadalka Qaranka Itoobiya in nidaamka Baarlamaaniga ah lagu baddelo mid Madaxweyne sida dalal badan oo Caalamka ah.

 

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Iiraan oo ka walaacsan Xaalada Dalka Yemen kadib Duulaan Culus uu ku qaaday Sacuudiga.

Isniin 19 Oct 2026 {HMC} Dowladda Iiraan ayaa ka walaacsan Xaalada Dalka Yemen kadib markii Dowladda Sacuudiga ay Duulaan xoogan ku qaaday Kooxda Xuutiyiinta...