Golaha Mustaqbalka ayaa wada-hadallo la yeeshay Madaxweyne Farmaajo,

Golaha Mustaqbalka ayaa wada-hadallo la yeeshay Madaxweyne Farmaajo, iyaga oo doonaya in la mideeyo awoodda mucaaridka dalka, si ay u helaan xubnaha u badan ee Guddiga Jihaynaya Doorashada Federaalka oo noqoneysa mid toos ah, ka dib dhexdhexaadin ka timi Beesha-caalamka oo aragtiyada dhinacyada DFS & Mucaaridka isugu geeyey; Doorasho toos ah oo leh hal gudddi doorasho.

Villa-Somalia ayaa iyadu Beesha-caalamka u sheegtey in xisbiyada ay hoggaamiyaan MH.Farmaajo & RWH.Cumar Cabdirashiid ay dhankeeda yihiin ayna xaq u leedahay aqlabiyadda Guddiga Jihaynaya Doorashada, tan oo keentey in Golaha GMS ay wada-hadallo la furaan siyaasiyiinta ay kolkii hore diidayeen.

DFS iyo Mucaaridka ayaa hadda isla oggol aadista doorasho toos ah oo leh hal guddi, waxa se laysku mari la’ yahay; Cidda yeelanaysa awoodda guddiga & waqtiga doorashada, iyada oo MW Xasan Shiikh ku adkaysanayo in uu dhammaysto sannadka dheeriga ah ee Dastuurka cusub, halka mucaaridka ay doonayaan in la galo doorashada ka hor bilowga sannadka 2027.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

FESOJ iyo Independent House oo qabtay Dood ku saabsan Hannaan Doorasho oo loo dhan Yahay.

Khamiis 20 Aug 2026 {HMC} FESOJ iyo Independent House ayaa xarunta Arkaan Leadership and Innovation ku qabtay dood dadweyne oo ku saabsan hannaan doorasho...