Talyaaniga oo Soomaaliya ugu deeqay Gawaariga gaashaaman.

Arbaco 12 Aog 2026 {HMC}  Dowladda Talyaaniga ayaa Soomaaliya ugu deeqaya lix gaari oo gaashaaman oo nooca VM-90P ah, kuwaas oo horey u isticmaali jireen ciidamada Carabinieri ee dalkaas.

Gaadiidka oo qiimahoodu ka badan yahay 170,000 oo Yuuro ayaa si bilaash ah loogu wareejinayaa Booliska Soomaaliyeed, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Wasaaradda Difaaca Talyaaniga.

Deeqdan ayaa qeyb ka ah iskaashiga difaaca ee labada dal, waxaana loogu talagalay xoojinta awoodda ciidamada amniga Soomaaliya. Ciidanka Talyaaniga ee Carabinieri oo dhigma Booliyo Milataaro ayaa gaadiidkaan isticmaali jiray balse waxaa hada lagu qalbeeyay VTLM Lince oo kan ka hormarsan.

Talyaanigu ayaa sheegay gaadiidkaan faa’iido u leeyahay Booliska Soomaaliyeed. Talyaaniga ayaa sidoo kale kordhiyay gaadiidkii uu ugu deeqay Soomaaliya ee VBL Puma 4×4 kana dhigay 40 halka markii ay shaaciyeen 30 sida ku cad docomentska la soo galiyay page wasaaradda difaaca dalkaas.

Talyaaniga ma cadayn xilliga rasmi ah ee gaynayo Somalia gaadiidkaan.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

{DAAWO MUQAALKA} Somali Airlines oo Bilaabeyso duulimaadkeeda ugu horreeya Bisha soo socoto.

Axad 16 Aug 2025 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in shirkadda diyaaradaha qaranka ee Somali Airlines ay duulimaadkeedii ugu horreeyay sameyn doonto bisha...