Ra’iisul Wasaarihii Ingiriiska oo iscasilay.

Isniin 22, June 2026 {HMC} Ra’iisul Wasaarihii Boqortooyada Ingiriiska, Sir Keir Starmer ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkaas kaddib markii uu warbaahinta la hadlay iyada oo aad loo hadal hayay go’aankaan la xiriira iscasiladdiisa.

Keir ayaa sharaxay sababta uu isu casilay iyo jadwalka bannaynta xafiiska maadaama uu sugayo qofkii baddeli lahaa, waxa uu sheegay in go’aankaan uu yahay mid uu gaaray isla markaana Xukuumaddiisu ka shaqayn doonto sidii xil gaarsiin usii ahaan lahayd.

Starmer ayaa sheegay in 9ka July uu banneenayo xafiiska kuna wareejin doonno Ra’iisul Wasaaraha cusub oo laga sugayo Xukuumad iyo isbaddel siyaasadeed oo ka duwan kan Xukuumaddiisa sida uu hadalka u dhigay.

Ra’iisul Wasaaraha Iscasilay waxa uu cadaadis kala kulmay guusha muhiimka ah uu gaaray Andy Burnham uu ku guuleystay doorashadii ku celiska ahayd ee Makerfield todobaadkii hore waana tan keentay in uu go’aankaan qaato.

Andy Burnham ayaa ah qofka ugu cadcad in uu qaban karo xilka Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska, inkasta oo ay jiraan musharrixiin kale oo xisbigiisa ah balse waxa ay kusoo kala hari doonnaan doorasho maalmaha soo socda qabsoomaysa sida hadalka loo dhigay.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

Iran oo abaal-marin lacageed u ballan qaadday haweenka Wadankooda.

Agoosto, 16, 2026 {HMC} Taliyaha sare ee ciidamada Iran, Amir Hatami, ayaa sheegay in dowladda Iran ay $60,000 abaalmarin ahaan u siin doonto haweeney...