Sacdiya Yaasiin oo noqotay Haweeneydii u horreysay ee noqota Ku-simaha Madaxweynaha Soomaaliya

Axad 21, June 2026 {HMC} Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta safar shaqo ugu amba-baxay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, halkaasi oo la filayo inuu kula kulmo dhigiisa Wiliam Ruto.

Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka, Sacdiya Yaasiin ayaa markii uu Madaxweynuhu ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde si rasmi ah u noqotay  ku-simaha Madaxweynaha qaranka.

Tani ayaa ka dhigan markii ugu horreysay ee taariikhda Soomaaliya ay haweeney qabato xilka ugu sarreeya ee dalka, inkastoo ay tahay si ku-sime ah.

Sacdiya ayaa hadda ah ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka, maadaama Guddoomiye Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) uu ku maqan yahay deegaannada Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

Iran oo abaal-marin lacageed u ballan qaadday haweenka Wadankooda.

Agoosto, 16, 2026 {HMC} Taliyaha sare ee ciidamada Iran, Amir Hatami, ayaa sheegay in dowladda Iran ay $60,000 abaalmarin ahaan u siin doonto haweeney...