Guddoomiye Sacdiya oo ku Baaqday in si Deg deg ah loo soo afjaro Colaadda Hiiraan

     Axad ‘  21 ;June 2026 {HMC}Guddoomiyaha KMG ah ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, ayaa baaq nabadeed kasoo saartay dagaal beeleedyada dib uga soo cusboonaaday gobolka Hiiraan, gaar ahaan colaadda ka taagan degmada Jalalaqsi.

Sacdiya Yaasiin ayaa sheegtay in dagaalka u dhexeeya dadka walaalaha ah ee wada dega degmada Jalalaqsi uu yahay arrin murugo leh oo saameyn ku yeelanaysa nabadda, wadajirka bulshada iyo mustaqbalka shacabka deegaanka.

“Dagaalka murugada leh ee dhex maray dad walaalo ah oo isku deegaan ah kana dhacay degmada Jalalaqsi waa arrin culus oo aan la iska indho tiri karin, lagamana aamusi karo, wuxuuna dhaawacayaa nabadda, wadajirka bulshada iyo mustaqbalka shacabka deegaanka,” ayay tiri Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka.

Waxay ugu baaqday waxgaradka, odayaasha dhaqanka, culimada, maamulka iyo dhammaan bulshada Hirshabeelle inay si degdeg ah uga shaqeeyaan joojinta colaadda, isla markaana la helo xal nabadeed oo waara.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale caddeysay in Golaha Shacabka uu taageersan yahay dadaal kasta oo lagu joojinayo dhiigga daadanaya, laguna xoojinayo nabadda, wada noolaanshaha iyo walaaltinimada shacabka deegaanka.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

Iran oo abaal-marin lacageed u ballan qaadday haweenka Wadankooda.

Agoosto, 16, 2026 {HMC} Taliyaha sare ee ciidamada Iran, Amir Hatami, ayaa sheegay in dowladda Iran ay $60,000 abaalmarin ahaan u siin doonto haweeney...