Arbaco 17, June 2026 {HMC} Waxaa maanta si rasmi ah Muqdisho loogu soo gebagebeeyay Tartanka Hal-abuurka Saxaafadda ee Dhismaha Nabadda iyo Ka Hortagga Colaadaha, kaas oo lagu dhiirrigelinayay doorka dhallinyarada iyo saxafiyiinta Soomaaliyeed ee horumarinta nabadda, xoojinta wada noolaanshaha bulshada, iyo yareynta colaadaha.
Munaasabadda ayaa waxaa ugu horreyn ka hadlay Madaxa Tababarrada FESOJ, Axmed Cali Maxamed, oo sharaxay ujeeddada tartanka iyo habraaca lagu qiimeeyay warbixinnadii lagu tartamay.
Waxa uu xusay in FESOJ ay saddexdii sano ee la soo dhaafay tababaro kala duwan siisay saxafiyiin Soomaaliyeed, kuwaas oo lagu xoojinayay xirfadaha saxaafadda, isla markaana tartankan uu fursad u ahaa ka qaybgalayaasha inay soo bandhigaan hibadooda iyo waxqabadkooda la xiriira nabad dhiska iyo ka hortagga colaadaha.
Sidoo kale, Maxamed Cabdullaahi Gaas, Ku Xigeenka Xafiiska BBC Media Action, oo munaasabadda kaga qaybgalay khadka muuqaalka, ayaa hambalyo u diray dhammaan tartamayaasha, isaga oo si gaar ah ugu bogaadiyay kuwii ku guuleystay tartanka.
Waxa uu ku dhiirrigeliyay inay sii wadaan dadaalladooda ku aaddan horumarinta nabadda iyo ka hortagga colaadaha iyaga oo adeegsanaya awoodda warbaahinta.
Intii ay socotay munaasabadda, waxaa la daawaday laguna dhageystay qaar ka mid ah warbixinnadii ay diyaariyeen saxafiyiintii ku guuleystay tartanka. Warbixinnadaas ayaa muujiyay hal-abuur, xirfad iyo aragtiyo wax ku ool ah oo ku saabsan dhismaha nabadda iyo ka hortagga colaadaha.
Waxa ay sidoo kale iftiimiyeen doorka muhiimka ah ee warbaahinta iyo dhallinyarada ay ku leeyihiin kobcinta isfahamka bulshada iyo xoojinta wada noolaanshaha.
Waxaa xigtay ku dhawaaqista natiijooyinka tartanka iyo guddoonsiinta shahaadooyinka iyo abaalmarinnada lacageed. Xoghayaha Guud ee FESOJ, Faarax Cumar Nuur, ayaa marti sharaftii munaasabadda ka qaybgalaysay ku casuumay in ay guddoonsiiyaan guuleystayaasha shahaadooyinka iyo abaalmarinnada loo diyaariyay.
Tartanka Saxaafadda ee Dhismaha Nabadda iyo Ka Hortagga Colaadaha waxaa kaalinta koowaad galay Cabdiraxmaan Salaad Cali, kaalinta labaad Bilaal Daahir Waaneey, halka kaalinta saddexaad uu galay Maxamed Khadar Cabdi.
Bilaal Daahir Waaneey, oo ku hadlay magaca tartamayaasha kana soo galay khadka maqalka magaalada Beledweyne, ayaa uga mahadceliyay FESOJ iyo BBC Media Action fursadda ay u abuureen saxafiyiinta Soomaaliyeed si ay codkooda uga qayb qaataan dadaallada nabadaynta iyo horumarinta bulshada.
Gabagabadii munaasabadda, marti sharaf ka socotay Wasaaradda Warfaafinta, saxafiyiin waayo-arag ah, iyo xubno ka socday bulshada rayidka ah ayaa jeediyay hadallo dhiirrigelin ah. Waxay ku boorriyeen saxafiyiinta inay sii wadaan doorkooda muhiimka ah ee ku aaddan dhismaha bulsho nabdoon, isku duuban, isla markaana horumar leh.
Mashruuca “Dhisidda Mustaqbal Nabdoon oo Waara” ayaa isugu jiray tababaro iyo tartan abaalmarin ah oo loo qabtay saxafiyiinta iyo dhallinyarada Soomaaliyeed. Mashruucan waxaa maalgeliyay Midowga Yurub, waxaana fuliyay Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee FESOJ, iyadoo taageero farsamo laga helayay BBC Media Action.


