Axad 14 Juun 2026 {HMC}Â Hoggaamiyaha Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa magacaabay Taliyaha kumeel-gaarka ah ee ilaalada Madaxtooyada Maamulkaas, waxa uu xilkaan u dhiibay Taliyihii ciidanka badbaadada Koofur Galbeed, Cabdiraxmaan Nishow Cali.
Warqadda Magacaabista oo kasoo baxday Madaxtooyada Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ayaa Taliye Cabdiraxmaan Nishow lagu faray in uu qaato mas’uuliyadda Amniga xarunta looga arrimiyo Maamulkaas.
Cabdiraxmaan Nishow waxa uu kamid ahaa Saraakiishii hoggaaminayay ciidamada Federaalka iyo kuwa Badbaadada Koofur Galbeed ee Magaalada Baydhabo ka qabsaday Madaxweynihii hore ee Dowlad-Goboleedkaas, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

