Isniin 8, June 2026 {HMC}Â Hayada Sirdoonka iyo Nabad sugida Qaranka ee NISA ayaa qoraal ka soo baxay ayaa lagu sheegay in horjooge sare oo ka tirsan AS ay ku dileen Shabeellada hoose.
Horjoogahaan ayaa lagu sheegay in uu ka bad baaday duqeymo dhowr ah oo laga sameeyay Gobolada Dalka balse ugu dambayn lagu dilay duqeyn laga sameeyay Shabeellada hoose.
NISA ma aysan sheegin goobta saxda ah ee duqeynta laga sameeyay iyo magaca horjoogaha la dilay hayeeshee qoraalka ayaa lagu sheegay in dib laga soo sheegi doono xogta oo dhammaystiran.
Qoraalka NISA ayaa u qornaa: ” Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa howlgal gaar ah oo lagu dilay Horjooge sare oo ka tirsan Khawaarijta ka fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose. Horjoogahan ayaa hore uga badbaaday seddex howlgal oo loo qorsheeyay in lagu soo afjaro

