Xildhibaan C/risaaq Cumar oo si adag uga Hadlay Askarigii Sida foosha Xun loogu dilay Sh/dhaxe.

Khamiis 10, Sab 2026 {HMC} Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed, ahna Musharraxa Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle, ayaa si adag uga hadlay falkii foosha xumaa ee ka dhacay Gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo lagu dilay Axmed Shire, oo ahaa askari ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyadoo la sheegay in dilkiisa uu salka ku hayay aano qabiil.

Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun.

Ugu horreyn, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada Gobolka Hiiraan iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, geerida naxdinta leh ee ku timid Axmed Shire, oo ahaa askari qaran oo u adeegayay dalkiisa iyo dadkiisa.

Waxaan si adag u cambaareynayaa falkii arxan-darrada ahaa ee lagu dilay marxuum Axmed Shire. Dilka askari Soomaaliyeed oo naftiisa u huray difaaca qaranka waa fal aad u xanuun badan oo aan la aqbali karin, gaar ahaan haddii uu ku salaysnaa aano qabiil.

Waxaan Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqayaa inay si degdeg ah u baaritaan dhab ah ugu sameyso dhacdadan, gacantana ku soo dhigto dhammaan dadkii ka dambeeyay dilka, isla markaana cadaaladda la horgeeyo, si loo ilaaliyo sharciga, amniga iyo midnimada bulshada Soomaaliyeed.

Alle ha u naxariisto marxuum Axmed Shire, qoyskiisa iyo eheladiisana samir iyo iimaan haka siiyo. Aamiin.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Iiraan si xun u burburisay saldhigga ugu weyn ee ciidanka badda Mareykanka ay ku lahaayeen Bariga Dhexe.

Khamiis 10, Sab 2026 {HMC} Xoghayaha ku-meelgaarka ah ee Ciidamada Badda Mareykanka, Hung Cao, ayaa xaqiijiyay in Iiraan ay si xun u burburisay saldhigga...