Wasiirka Gaashaandhigga ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Turkiga u fadhiya Soomaaliya.

Isniin 18 May 2026 {HMC}   Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Mudane Alper Aktaş, oo uu weheliyo Taliyaha TÜRKSOM, Sarreeye Gaas Sebahattin Kalkan, iyo saraakiil sar-sare oo kale.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga milatari ee Soomaaliya iyo Turkiga, dardargelinta hawlaha socda, gaar ahaan; tababarrada ciidamada, taageeridda dhismaha awoodda difaaca, iyo horumarinta xiriirka istiraatiijiga ah ee labada dal.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa uga mahadceliyay Dowladda walaalaha ah ee Turkiga doorka hagar la’aanta ah iyo garab istaagga ay siiso Dowladda iyo shacabka Soomaaliya, isagoo si gaar ah u xusay kaalintooda la dagaallanka argagixisada, tayaynta ciidanka iyo guulaha wadajirka ah ee laga gaaray iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka oo ay ka mid tahay dawladda Turkiye.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa xusay inay jiraan kooxo cadow ku ah dowlad dhiska Soomaaliya oo dhibsanya xiriirka labada dal ee sii xoogeysanaya iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Dhulka, ahna ku simaha taliyaha Ciidanka XDS, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar iyo masuuliyiin kale oo ka socday labada dhinac.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Yemen oo Jabuuti kala hadashay xoojinta dadaallada lagu joojinayo maalgelinta Xuutiyiinta.

Jimco, 4, Sep 2026 {HMC}  Yemen ayaa ku baaqday in la xoojiyo iskaashiga gobolka ee lagu carqaladeynayo shabakadaha sahayda iyo maalgelinta ee lala xiriirinayo Xuutiyiinta,...