Axad 4 Oct 2026 {HMC} Madaxda Soomaaliya, Masar, Suudaan iyo Eretariya oo kulan saacado qaatay ku yeeshay magaalada El Alamein ayaa ku baaqay in la ilaaliyo Midnimada Soomaaliya, iyagoo ka horyimid go’aan kasta oo lagu kala goynayo dalka.
Madaxda ayaa isku afgartay in ay iskaashadaan sugida Amniga Badda Cas gaar ahaan in Maraakiibta ay si caadi ah u maraan Baab Almandab.
Sidoo kale, waxaa ay isku soo hadal qaadeen Khilaafka Webiga Nile gaar ahaan Biyo xireenka Itoobiya, iyagoo ka digay dal gaar ah ku xadgudbo sharciga caalamiga ah.
Ugu dambeyn waxaa ay ku baaqeen in la ilaaliyo Madaxbannaanida dalka Suudaan, iyagoo xusay in afartan dal ay ka mideysan yihiin difaaca, xilli kastana ay kulmi karaan.

