Magaalada Boosaaso ayaaa waxa lagu dilay Xildhibaan katirsanaa Baarlamaanka DG Puntland .

Talaado 19 May 2026 {HMC}.  Yuusuf Bootaan oo horay usoo noqday Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa lagu dilay Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, waxaana dilay Wiilkiisa oo lagu magacaabo Maxamed Yuusuf.

Dilka Marxuum Yuusuf Bootaan waxa uu wiilkiisa u adeegsaday Mindi, waxaana la sheegay in uu dhimirka la’aa sida ay xaqiijiyeen xubno katirsan qoyska, waxaana lagu wadaa in lagu aaso magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Guriga uu dilka ka dhacay oo ku yaalla Xaafadda Al-Aqsa waxaa buux-dhaafiyay ehelka, asaxaabta iyo dadka deegaanka kuwaas oo ka naxay dhacdadaan, waxaana sidoo kale goobta tagay ciidamo katirsan kuwa ammaanka.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Erdogan oo sheegay in heshiiska difaaca ee Maka uusan ku wajahneyn Iiraan ama Israa’iil.

Jimco, 25 Seb 2026 {HMC} Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa sheegay in Heshiiska Difaaca Wadajirka ah ee Maka ee u dhexeeya Turkiga, Bakistaan iyo...