Sabti 28 Nov 2026 {HMC} Hogaamiyaha Suudaan, General Abdifatah Al Burhan ayaa sheegay in dalalka deriskooda ah la siiyay lacag si ay ula dagaalaman Suudaan.
General Burhan ayaa yidhi. “Inta badan dalalka deriska nala ah ayaa naga soo horjeestay, waxaa la siiyay lacag, waxaana lagu amray iney nala dagaalamaan.”
Wuxuuna intaasi sii raaciyay. “Cadowgu wuxuu ka hawlgalayaa Itoobiya, South Sudan, Jaad, Liibiya iyo dalal kale oo nagu haraareysan si ay weerar ugu soo qaadaan Suudaan.”
Si kastaba ha ahaatee, Hogaamiyaha Milatariga Suudaan, ma magacaabin cida lacagta siiyay dalalka deriskooda ah ee ku amartey iney la dagaalamaan Suudaan.

