WAR DEG DEG AH: Duqeyn laga Fuliyay Gobolka Hiiraan.

Sabti 28 Nov 2026 {HMC}  Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya Saaxiibada Caalamka, ayaa 26-kii bishan Nofeembar howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Shaw ee gobolka Hiiraan, kaas oo lagu beegsaday Horjoogeyaal ka tirsan Khawaarijta. Howlgalkan waxaa lagu dilay laba Horjooge, halka laba kalena dhaawac culus la gaarsiiyay.

Horjoogeyaasha la dilay waxaa ka mid ahaa Cabdullaahi Maxamuud Abuukar (Abuu Khaalid), oo ahaa madaxa Maleeshiyaadka ay ugu yeeraan Xisbada ee degmada Raaga-Ceelle, iyo Ayuub, oo ahaa madaxa Maleeshiyaadka Xisbada ee deegaanka Afarta Tuulo.

Waxaa sidoo kale howlgalka dhaawac culus lagu gaarsiiyay Horjooge Macallin Mursal, oo kooxda u qaabilsanaa beeraha iyo kanaallada gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, iyo Horjooge Faysal, oo u qaabilsanaa Maleeshiyaadka Xisbada ee degmada Jalalaqsi.

Xogta howlgalka ayaa tilmaamaysa in Horjoogeyaasha la beegsaday ay dhowaan soo dhammeysteen tababar lix bilood ah oo ay ku qaateen deegaanka Kuunyo Barrow ee gobolka Shabeellaha Hoose, beegsiga lagu naafeeyay xubnihii ugu sarreeyay dhagar-qabeyaasha tababarka soo qaatay ayaa dhacay xilli ay qorsheynayeen in ay fuliyeen tallaabooyin ay ku dhibaateynayaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku howlan wax soosaarka beeraha.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxay sii wadi doontaa howlgallada qorsheysan ee ka dhanka ah Horjoogeyaasha iyo maleeshiyaadka Khawaarijta, si looga hortago dhagarta ay u maleegayaan shacabka Soomaaliyeed, loona xoojiyo amniga iyo xasilloonida dalka. Muwaadin, wixii khatar amni ah ama macluumaad la xiriira Khawaarijta Al-Shabaab iyo Daacish la wadaag NISA: 199 | 0770 747474 | 0620 545454.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Madaxweyne Deni oo Kormeeray Shirkadda Korontada Garoowe.

Sabti 28 Nov 2026 {HMC}  Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kormeeray Shirkadda Korontada ee Garoowe ee (NECSOM), isagoo warbixin ka...