Muqdisho oo Aas Qaran loogu Sameeyay Allaha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble.

Khamiis 26 Nov 2026 {HMC} Waxaa maanta aas ballaaran loogu sameeyay magaalada Muqdisho AUN Dr. Cali Cabdullaahi Cosoble.
Waxaa uu sanadki 1962 ku dhashay magaalada Muqdisho, wuxuu ahaa aqoonyahan, ganacsade iyo siyaasi Soomaaliyeed oo ka soo jeeday qoys siyaasadeed oo magac leh.

Aabihiis, Avv. Cabdullaahi Cosoble Siyaad, waxaa uu kamid noqday baarlamaanki rayidka iyo xukuumaddi kacaanka, halka Awoowgiis Axmed Geelle oo hooyadiis dhalay uu isna kamid noqday xukuumaddi iyo golihi barlamaanka dowladdi rayidka ahayd iyo xisbiggii SYL.
Cali Cabdullahi, Wuxuu cilmiga beeraha kaga baxay Jaamacadda Sam Houston State University, ee dalka Mareykanka.

1981: Wuxuu Muqdisho ka bilaabay shaqo qaran, isaga oo noqday macallin dugsi.
* 1987: Wuxuu shaqo ka bilaabay Bangiga Horumarinta Soomaaliyeed.
* 1988: Wuxuu aasaasay warshadda Hamar Pasta Factory oo soo saari jirtay baastada iyo burka.
* 1989–1991: Wuxuu maareeye ka noqday warshaddii baastada iyo burka ee dowladda.
* 1992–1997: Wuxuu magaalada Dubai ka aasaasay hoteelka Mirage iyo shirkadda Abdo General Trading oo ka shaqaynaysay adeegyada dal-ku-galka Imaaraadka.

* 1998–2002: Wuxuu wakiil ka ahaa hay’adda samafalka ee Oxfam, isaga oo ka hawlgalayey Nairobi iyo xarunteeda Beledweyne.
* 2009–2013: Wuxuu magaalada Mombasa ee Kenya ka aasaasay Palm Tree Hotel.
2002–2003: Wuxuu Kenya wakiil uga ahaa ururkii Hiiraan Political Alliance (HPA).
* 2004–2009: Wuxuu xildhibaan ka ahaa Baarlamaanka Federaalka Ku-meelgaarka ah ee Soomaaliya.
* 2005–2006: Wuxuu soo noqday Wasiirka Waxbarashada.
* 2006–2007: Wuxuu soo noqday Wasiirka Qorshaynta Qaranka ee Dowladda Federaalka Ku-meelgaarka ah.
* 2015–2016: Wuxuu ka mid ahaa aasaasayaashii Dowlad-goboleedka Hirshabeelle.
* 2016: Waxaa loo doortay madaxweynihii ugu horreeyey ee Dowlad-goboleedka Hirshabeelle.

Wuxuu geeriyooday 22-kii Nofeembar 2026 magaalada Qaahira ee dalka Masar, isaga oo ifka kaga tegay laba xaas iyo 13 carruur ah.
Alle ha u naxariisto, Jannatul Firdowsana ha geeyo. Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun.

W/Q Ayaanle Hussein Abdi

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Kormeer Amni ku Tagay Baydhabo.

Khamiis 26 Nov 2026 {HMC} Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kormeer shaqo ku gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta...