Madasha Arrimaha Beni-aadannimada Soomaaliya oo Maanta laga furay Dhuusamareeb.

Khamiis 26 Nov 2026 {HMC} Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan, ayaa maanta daah-furay Shirweynaha Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya, kaasi oo lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug,

Shirka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda bani’aadannimo ee Soomaaliya, gurmadka dadka tabaaleysan, xal u helidda saameynta taban ee El Niño, qiimaynta diyaargarowga iyo gurmadkii roobka Deyrta iyo baahiyaha mudnaanta u leh Galmudug.

Hoggaamiyaha ayaa madasha ka jeediyay khudbad ku saabsan qorshaha iyo mudnaanta Dowlad Goboleedka Galmudug ee wax ka qabashada arrimaha bani’aadannimada, isaga oo soo bandhigay baahiyaha ka jira deegaannada Galmudug, dadaallada gurmadka ee la sameeyay iyo muhiimadda ay leedahay in la helo taageero iyo maalgelin waarta oo wax ka qabata caqabadaha bani’aadannimo ee dalka.

Shirweynaha waxaa ka qaybgalay Wasiirrada Gargaarka ee Dowlad Goboleedyada, mas’uuliyiin ka socday hay’adaha dowladda Federaalka Soomaaliya, safiirrada iyo wakiillada dalalka caalamka ee Soomaaliya, hay’adaha Qaramada Midoobay iyo marti sharaf kale.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Koonfur Galbeed oo Dhisaysa Hay’ad Sirdoon u Gaar ah, SISA.

Khamiis 26 Nov 2026 {HMC} Koonfur Galbeed ayaa ku dhawaaqay dhismaha hay'ad sirdoon oo u gaar ah, taas oo loo soo gaabiyay SISA (South...