Ra’iisul Wasaarihii Hore ee Qatar oo Ku Baaqay Isbahaysi Difaac oo Dalalka Khaliijku Sameystaan.

Sabti 28 Nov 2026 {HMC} Ra’iisul Wasaarihii hore ee Qatar, Sheekh Xamad bin Jaasim bin Jaaber Al Thani ayaa waraysi cusub oo uu bixiyay ku sheegay;

“Waxaan ka mid ahayn dalalkii ugu horreeyay ee heshiis iyo xiriir ganacsi la sameysta Israa’iil,annagoo xafiis ganacsi ka furannay. Xafiiskaas waxaan xirnay kaddib dagaalkii Gaza.

Israa’iil waxay xiriir la leedahay dhammaan dalalka Khaliijka, gaar ahaan dhinaca amniga. Xiriirkaasi muddo dheer ayuu jiray, mana aha arrin qarsoodi ah.

Dalalka Khaliijka qaarkood waxay Israa’iil la leeyihiin xiriir furan, halka kuwa kalena ay xiriirkooda si qarsoodi ah u maareeyaan.
Israa’iil weli waxay aaminsan tahay in maalin uun ay dalalka Khaliijku u iman doonaan oo ay ku oran doonaan, ‘Kaalaya oo na difaaca.’

Taasi waa sida ay Israa’iil wax u aragto. Waxa muhiimka ahi waa sida aan annaga, Carab ahaan iyo dalalka Khaliijku, xal ugu heli karno dhibaatooyinkeenna innaga oo aan cid kale ku tiirsanayn.

Iiraan waxay dalalka gobolka ugu hanjabaysaa arrin aysan iyagu samayn, balse ay sameeyeen Israa’iil iyo Maraykanka.
Runta haddii aan isu sheegno, waxaan aaminsanahay in hadda aan ku jirno xaalad dagaal oo aan Iiraan kula jirno.

Runtii waxaan u baahanahay isbahaysi difaac oo la mid ah NATO. Waxaan u baahanahay difaac wadajir ah iyo nidaam mideysan oo difaaca cirka ah. Waxaan sidoo kale u baahanahay tiknoolajiyad aan si wadajir ah u horumarino.

Isbahaysiyada dalalku si gaar ah u samaystaan waa wanaagsan yihiin, balse waa kuwo ku-meel-gaar ah. Isbeddelka dhabta ahi waa inuu innaga gudahayaga ka bilowdaa.

Xalka waara waa in dalalka Khaliijku yeeshaan isbahaysi difaac oo la mid ah NATO.”

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Midowga Afrika oo Taageeray Doorashooyinka Soomaaliya, Qorshaha Kala-guurka AUSSOM-na Ansixiyay.

1. Waxa uu bogaadinayaa guusha taariikhiga ah ee qabashada doorashooyinkii ugu horreeyay ee tooska ahaa ee goleyaasha deegaanka ee gobollada kala duwan ee Soomaaliya. Waxa...