Sabti 28 Nov 2026 {HMC} Qarax sababay dhimashada in kabadan 10 arday iyo dhaawaca ku dhawaad 150 qof oo kale ayaa maanta ka dhacay Wadanka Afghanistan.
Ugu yaraan 10 arday ayaa ku dhintay, 110 kalena way ku dhaawacmeen qarax ka dhacay meel u dhow iskuul ku yaalla Afghanistan, sida uu BBC-da u sheegay afhayeen.
Qaraxu wuxuu ka dhacay saaka, xaafadda Anderseir ee magaalada Asadabad, caasimadda gobolka Kunar, sida uu sheegay afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dowladda Taliban.
Abdul Mateen Qani oo qoraal ku baahiyay bartiisa X ayaa sheegay in baaritaannadii hordhaca ahaa ay muujinayaan in qaraxu ka dhashay “dayacaad iyo taxaddar la’aan” ka dhacday bakhaar ay shirkado macdanta qoda ku kaydinayeen walxaha qarxa, kaas oo ku dhowaa goobta.
Wuxuu intaa ku daray in baaritaanka dhacdadu uu weli socdo.
Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay carruur dhaawac ah oo baabuur laga soo dejinayo, laguna qaadayo qeybta gargaarka degdegga ah ee isbitaal ku yaalla Asadabad, iyadoo dad badan ay daawanayaan.
Sawirro laga qaaday gudaha isbitaalka ayaa sidoo kale muujinayay carruur sariiraha isbitaalka jiifta, kuwaas oo madaxyada faashado looga duubay.
Macdan qodistu waa mid ka mid ah waxyaabaha ay dadka dalkaasi nolosha ka raadsadaan, balse heerarka badbaadada ayaa inta badan hooseeya, taasoo keenta shilal.

