Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Daahfuray Shir-Wada-shaqaynta Booliska iyo Warbaahinta.

Sabti 28 Nov 2026 {HMC} Dalladda Warbaahinta Soomaaliyeed ee (SOMA) ayaa maanta magaalada Muqdisho ku daahfurtay habraac cusub oo lagu xoojinayo wada-shaqaynta iyo xiriirka ka dhexeeya Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo bahda warbaahinta dalka.

Munaasabadda daahfurka oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qayb galay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, saraakiil ka socotay taliska ciidanka booliska, madaxda xarumaha warbaahinta, ururada u dooda xuquuqda saxafiyiinta, culimaa’udiin, iyo wakiillo ka socday qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdifataax Qaasim, oo munaasabadda khudbad ka jeediyay, ayaa si rasmi ah u daahfuray habraacan.

Wasiirka ayaa boggaadiyay tallaabada ay qaaday dalladda SOMA, isagoo xusay in habraacani uu muhiimad gaar ah u leeyahay ilaalinta badqabka saxafiyiinta, fududaynta helitaanka xogta saxda ah, iyo xoojinta kalsoonida u dhaxaysa laamaha amniga iyo warbaahinta madaxa-bannaan.

Xoghayaha Dalladda SOMA, Maxamed Cabdiwahaab, oo goobta ka hadlay ayaa faahfaahiyay ujeeddada iyo marxaladihii uu soo maray diyaarinta habraacan. Wuxuu sheegay in caqabado badan oo hore u dhexmaray booliska iyo warbaahinta ay dalladda ku dhalisay inay qabato tababarro wacyigelin iyo is-dhexgal ah oo loo qabtay in ka badan 100 qof oo isugu jira saraakiil boolis ah, madaxda warbaahinta, saxafiyiin iyo xubno ka tirsan bulshada rayidka ah, taasoo ugu dambayn horseedday in la diyaariyo habraacan ay ku wada-dhaqmi doonaan labada dhinac.

Dhankiisa, Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Cabdifataax Xasan Aadan, ayaa sheegay in hadda ay si wanaagsan isu dhex galeen warbaahinta iyo ciidanka booliska, isla markaana ay bilaabatay wada-shaqayn midho-dhal ah oo laga dhaxlay tababarradii la qabtay iyo habraacan cusub.

Habraacan maanta la daahfuray ayaa la filayaa inuu meesha ka saaro isfaham-waagii mararka qaar dhexmari jiray ciidamada amniga iyo suxufiyiinta ku guda jira gudashada waajibaadkooda shaqo, isla markaana uu furo bog cusub oo iskaashi iyo wada-shaqayn joogto ah

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Darawal Soomaali ah oo Uber u shaqeynayay oo u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray weerar ka dhacay Minnesota..

Sabti 28 Nov 2026 {HMC} Allah ha u naxariistee waxaa goor dhaw geetiyooday Maxamed Yuusuf oo ahaa Darwal ku shaqaysta Uber oo dhawaan lagu...