Calanka Israa’iil laga taagay Masjidka Al-aqsa.

Jimco 15 May 2026 {HMC} Wasiirka Amniga Qaranka ee Israa’iil ee ka tirsan garabka midigta fog, Itamar Ben-Gvir, ayaa jebiyay xeer muddo dheer lagu dhaqmayey,

kaas oo ku saabsan goobaha diimaha ay ku cibaadeystaan dadka kala diimaha ah ee ku nool deegaannadaas, kadib markii uu calanka Israa’iil ka taagay agagaarka Masaajidka Al-Aqsa.

Muuqaal laga duubay ayaa muujinaya wasiirka oo kor u qaadaya calanka Israa’iil, kuna ciyaaraya hees miraheedu ay kamid yihiin ‘masjikd barakeesan ee Al-aqsa gacanteenna ayuu ku jiraa’.

Tobannaan kun oo Israa’iiliyiin ah ayaa sidoo kale halkaas socod ku maray, iyaga oo ka qeyb-galayey munaasabad diimeed iyo mid qaran oo sanadkii mar la xuso.

“Socodka Calanka” waxaa loo qabtaa xuska sanadguurada qabsashadii Israa’iil ee Bariga Qudus intii lagu jiray dagaalkii 1967.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Dowladda iyo mucaaradka Soomaaliya oo la filayo in ay heshiis ka gaaraan arimaha khilaafaadka.

Sabti, 5, Sept 2026 {HMC}  Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xubno ka tirsan mucaaradka ayaa maalmaha soo socda saxiixi kara heshiis lagu dhisayo Guddiga Hawlgalka Kala-guurka...