Netanyahu oo Ogolaaday in Gadi Eisenkot Hoggaamiyo Xukuumad Midnimo Qaran oo Israa’iil ka Dhisanaysa.

Sabti 28 Nov 2026 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha ku meel gaarka ah ee Israaiil, Benjamin Netanyahu, ayaa Sabtidii maanta ku dhawaaqay inuu ogolaanayo in Gadi Eizenkot uu hoggaamiyo xukuumad midnimo qaran, iyadoo la raacayo heshiis xilka lagu kala wareegayo, taas oo meesha ka saareysa mabda’a ah in xilkaas uu qabto xisbiga ugu weyn; wuxuuna arintan ku sababeeyey jiritaanka

“halis khatar ku ah jiritaanka qaranka.” Dhanka kale, dhinacyada ka soo horjeeda ayaa shaki ka muujiyay ujeeddooyinka Netanyahu, iyagoo soo jeedintiisa ku tilmaamay “khiyaano cad.”

Bayaan uu soo saarey, Netanyahu wuxuu ku shaaciyey inuu ogolaadey in Eisenkote loo xilsaarey soo dhisidda xukuumad uu marka hore hoggaamiyo ahna xukuumad midnimo qaran, isagoo shuruud ka dhigey in isaguna uu noqdo ra’iisul wasaare beddel ah (alternate prime minister). Netanyahu wuxuu yiri,

“Waa wax dabiici ah in anigu hoggaamiyo xukuumadda midnimada qaran, ama aan noqdo qofka ugu horreeya ee xilka qabta iyadoo la raacayo heshiis xil wareejin ah; hase yeeshee, diyaar baan u ahey inaan tanaasulo oo aan u ogolaado Eisenkot inuu marka hore hoggaamiyo xukuumadda midnimada qaran.”

Netanyahu wuxuu dhacdooyinka hadda ka socda Knesset-ka ku tilmaamay inay yihiin bilow, cadow uu doonayo inay dalka ka qabsadaan gudaha, iyagoon ridin xabbad qura.” Wuxuu ku eedeeyay

“taageerayaasha argagixisanimada” (isagoo ula jeeda xisbiyada mucaaradka) inay qorsheynayaan inay siiyaan dhalashada Israaiil boqollaal kun oo Falastiiniyiin ah oo ka imanaya Daanta Galbeed iyo Qasa, ayna qorsheynayaan in ay ka baxaan aagagga amniga ee Qaza, Suuriya, iyo Lubnaan, iyadoo ujeeddada ugu dambeysa ay tahay in la dhiso dowlad Falastiini ah oo ku dhisanta burburka Israaiil, sida uu hadalka u dhigay.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Putin oo Shaaciyey in Ruushku La Wareegay Markabka Quusa ee Nukliyeerka ah ee Perm.

Sabti 28 Nov 2026 {HMC} Putin ayaa maanta shaaciyey in ciidamada Badda Ruushku si rasmi ah ula wareegeen markabka quusa ee Perm, kaasoo ka...