Sabti 28 Nov 2026 {HMC} Putin ayaa maanta shaaciyey in ciidamada Badda Ruushku si rasmi ah ula wareegeen markabka quusa ee Perm, kaasoo ka mid ah jiilka ugu casrisan ee maraakiibta quusa ee Ruushka. Markabkan oo ku shaqeeya tamarta nukliyeerka ayaa awood u leh inuu si qarsoodi ah oo degdeg ah hawlgallo uga fuliyo badaha caalamka, isaga oo sidda gantaallada Zircon ee nooca Hypersonic-ka ah, kuwaas oo ka mid ah gantaallada casriga ah ee xawaaraha aadka u sarreeya ku socda.
Ruushku wuxuu si weyn u fahamsan yahay in dagaal kasta oo dhex mara quwadaha waaweyn, awoodda lagu maamulo badaha iyo waddooyinka istaraatiijiga ah ee maraakiibta ay ka mid tahay meelaha ugu muhiimsan ee lagu kala adkaanayo. Taariikhda dagaallada caalamiga ah ayaa muujisay in cidda awoodda ku yeelata badaha ay heli karto fursad ay ku ilaaliso sahaydeeda, ku carqaladeyso dhaqdhaqaaqa cadowgeeda, isla markaana awooddeeda milatari ku gaarsiiso meelo ka fog xuduudaheeda.

