Jarmalka oo Ukraine ka Baranaya Tiknoolajiyadda iyo Xeeladaha Dagaalka Casriga ah.

Sabti 28 Nov 2026 {HMC} Waxaa laga yaabaa in qaar ka mid ah dadka boggan akhriya ay is weydiiyaan sababta reer Galbeedka, gaar ahaan dalalka Yurub, ay sida weyn u taageerayaan Ukraine dagaalka ay kula jirto Ruushka.

Ma ku filan tahay in la yiraahdo reer Yurub waxay Ukraine u adeegsanayaan difaacooda hore, si ay Ruushka ugu daaliyaan dagaal daba-dheeraada, awooddiisa milatari u wiiqaan, isla markaana ugu mashquuliyaan dagaal ka fog dhulkooda?

Waa dhab, tani waa qayb ka mid ah ujeeddooyinka taageerada reer Yurub. Balse waxaa jira arrin kale oo aan hadda muhiimaddeeda si buuxda loo fahmayo, taas oo ah in Ukraine ay reer Yurub u noqotay goob ay ku bartaan dagaalka casriga ah, ku tababartaan ciidamadooda, kuna tijaabiyaan hubka iyo tiknoolajiyadda cusub.

Sababtu waxay tahay in askariga Ukraine uu maanta leeyahay khibrad dagaal oo ka sarreysa tan ay haystaan inta badan ciidamada dalalka Yurub.

Wuxuu muddo dheer ku jiray dagaal casri ah oo si weyn loogu adeegsado diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, nidaamyada sirdoonka, hubka casriga ah iyo farsamooyinka cusub ee lagu hago hawlgallada. Waa khibrad aysan inta badan ciidamada reer Yurub hore ugu helin dagaal la mid ah baaxaddiisa iyo heerka tiknoolajiyadeed.

Haddaba maxaa keenaya in dagaalka Ruushka iyo Ukraine aanu dhammaan?
Waxaa laga yaabaa in sababaha ka mid ahi ay tahay in dagaalkani isu beddelay goob lagu tijaabiyo hubka casriga ah iyo xeeladaha cusub ee dagaalka jiilka dambe.

Warbaahinta Jarmalka ee WELT ayaa sheegtay in Jarmalku doonayo inuu khibradda milatari ee ciidanka Ukraine ka kasbaday dagaalka uu Ruushka kula jiro u wareejiyo ciidamadiisa, si uu u horumariyo awooddooda dagaal, isaga oo ka faa’iidaysanaya waayo-aragnimada iyo tiknoolajiyadda Ukraine.

Jarmalku wuxuu hore u tijaabiyey nidaamka Ukraine ee lagu magacaabo DELTA, kaas oo loo adeegsado hagidda iyo isku-duwidda hawlgallada milatari.

Tijaabadaas ayaa lagu sameeyey dhoollatus milatari oo ay ka qayb galeen askar Ukraine ah, kuwaas oo ciidamada Jarmalka barayey adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee sahanka iyo kuwa qaraxyada lagu rakibo ee weerarrada loo adeegsado.

Habka dagaal ee Ukraine ay u bixisay DELTA wuxuu isku geeyaa xogta laga helo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, raadaarrada iyo ilaha kale ee sirdoonka iyo sahanka, isaga oo dhammaantood ku soo bandhigaya hal sawir oo muujinaya xaaladda goobta dagaalka.

Tani waxay ciidamada u sahlaysaa inay ogaadaan bartilmaameedyada, isku dubbaridaan hawlgallada, isla markaana si sax ah ugu hagaan hubka.

Sidoo kale, Jarmalku wuxuu Ukraine ka codsaday in loo oggolaado adeegsiga nidaamka AVENGERS, oo ay samaysay Wasaaradda Gaashaandhigga Ukraine.

Nidaamkan ayaa ciidamada ka caawiya inay ogaadaan bartilmaameedyada milatari ee cadowga, isla markaana si toos ah u aqoonsadaan iyaga oo adeegsanaya sawirrada iyo muuqaallada ay duubaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo kaamirooyinka ammaanka.

Jarmalku wuxuu sidoo kale Ukraine ka codsaday inay la wadaagto koodhadhka asalka ah (Source Code) ee nidaamyadan, si khubaradiisa milatarigu u falanqeeyaan ugana faa’iidaystaan horumarinta tiknoolajiyaddooda difaaca.

Dhanka gantaallada, Jarmalku wuxuu qorshaynayaa inuu Ukraine ka iibiyo ku dhowaad 2,000 oo gantaal oo nooca BARS ah, kuwaas oo qiimahoodu gaarayo 330 milyan oo Yuuro.

Waxaa sidoo kale la qorshaynayaa in la sameeyo nooc si gaar ah ugu habboon baahiyaha iyo shuruudaha ciidamada Jarmalka. Haddii uu ka gudbo tijaabooyinka, waxaa la filayaa in keenistiisa la bilaabo sannadka 2027.

Dagaalku wuxuu sidaas ku noqday goob ay quwadaha reer Galbeedku ka baranayaan hubka, tiknoolajiyadda iyo xeeladaha dagaalka ee mustaqbalka, halka dhinaca kale Ukraine ay wajahayso dhimasho iyo burbur.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Putin oo Shaaciyey in Ruushku La Wareegay Markabka Quusa ee Nukliyeerka ah ee Perm.

Sabti 28 Nov 2026 {HMC} Putin ayaa maanta shaaciyey in ciidamada Badda Ruushku si rasmi ah ula wareegeen markabka quusa ee Perm, kaasoo ka...