Talaado 24 Nov 2026 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa bogaadiyey xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Boqortooyada Ingiriiska , xilli uu galabta ka qayb-galay munaasabadda xuska dhalashada Boqorka Boqortooyada Midowday ee UK, Boqor Charles III, oo ay marti-galisay Safaarada UK ee magaalada Muqdisho.
Ra’iisul Wasaaraha oo hambalyeeyay Boqor Charles III, ayaa sheegay in Soomaaliya iyo UK ay leeyihiin xiriir iskaashi oo xooggan, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, amniga, horumarinta dhaqaalaha. Wuxuunna adkeeyay muhiimadda ay leedahay in lasii xoojiyo is-dhexgalka bulshooyinka labada dal.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa Boqortooyada Midowday ee UK ku bogaadiyey dadaalkooda iyo taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliya, iyo doorka muhiimka ah ee ay ka qaataan dadaallada lagu xaqiijinayo horumarka dalka, iyo iskaashiga ku dhisan is-aaminaad, ixtiraam iyo himilooyin wadaag ah oo labada dal dan u ah.
Safiirka Boqortooyada UK, u qaabilsan Soomaaliya Danjire Charles Nicholas King., oo ka mahadceliyay aqbalaadda Ra’iisul Wasaaraha ee kasoo qeybgalka munaasabadda, ayaa sheegay in dowladda UK garab taagan tagay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, isaga oo xiriirka labada dal ku tilmaamay mid ballaaran oo aan ku koobnayn dhanka diblumaasiyadda balse u gudbay iskaashi bulsho oo dhinacyo badan leh.

