Khamiis 19 Nov 2026 {HMC} Haweeney Soomaali ah oo lagu magacaabo Awo Abdikarin Duale, 33 jir ah, ayaa lagu eedeeyay inay dishay laba carruur ah oo ay dhashay, kuwaas oo da’doodu kala ahayd 3 iyo 5 sano jir, magaalada Savage ee gobolka Minnesota, dalka Mareykanka.
Afhayeen u hadlay booliska ayaa xaqiijiyay in labada carruur ahi ay ahaayeen 3 iyo 5 sano jir.
Booliska ayaa sidoo kale sheegay inay xireen hooyada carruurta, kaddib markii ay iyadu wacday lambarka gurmadka degdegga ah ee 911.
Booliska ayaa haatan wada baaritaanno ku saabsan sababta ka dambeysay dhacdadan naxdinta leh.

