Anwar Gargash oo Si Kulul Uga Jawaabay Eedeymaha Xasan Sheekh ee Imaaraadka.

Arbaco 18 Nov 2026 {HMC} La-taliyaha Madaxweynaha Imaaraadka Carabta, Anwar Gargash, ayaa si kulul uga jawaabay eedeymihii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu u jeediyay dowladda Imaaraadka, isagoo ku eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya inuu danihiisa siyaasadeed ka hormarinayo danaha qaranka.

Qoraal uu maanta ku baahiyay barta X ayuu Gargash ku sheegay in hadallada Xasan Sheekh ay muujinayaan isbeddelka ku yimid mowqifyadiisa iyo siyaasaddiisa.

β€œWeerarka madaxweynaha xilka ka sii degaya ee Soomaaliya uu ku qaaday Imaaraadka wuxuu muujinayaa sida ay isu beddelaan mowqifyadiisa iyo siyaasaddiisu, wuxuuna dhalinayaa su’aalo ku saabsan inuu danihiisa gaarka ah ka hormarinayo danaha qaranka,” ayuu yiri Gargash.

Wuxuu intaas ku daray in Imaaraadku garab istaagay Soomaaliya iyo shacabkeeda xilliyadii ugu adkaa, isagoo sheegay inay nasiib-darro tahay in loollanka siyaasadeed ee gudaha Soomaaliya lagu laro khilaafaadka gobolka.

Gargash ayaa sidoo kale sheegay in xiriirka Imaaraadka iyo shacabka Soomaaliyeed uu ka qoto dheer yahay khilaafaadka siyaasadeed ee ku-meelgaarka ah.

Hadalka Gargash ayaa yimid maalin kaddib markii Madaxweyne Xasan Sheekh uu Imaaraadka ku eedeeyay faragelin gudaha Soomaaliya ah, taageeridda maamullo iyo kooxo hubeysan, iyo sameysashada saldhigyo militari oo aan oggolaansho looga haysan Dowladda Federaalka.

Hadaladan ayaa muujinaya inuu sii xoogeysanayo khilaafka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Muqdisho iyo Abu Dhabi, iyadoo labada dhinac ay isku hayaan arrimo la xiriira madax-bannaanida Soomaaliya, amniga iyo saameynta Imaaraadka ee gobolka

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

{DAAWO MUQAALKA} Wararka Ugu waaweeyn Soomaaliya iyo Caalamka 18-11-2026.

Arbaco 18 Nov 2026 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta HMC Somali TV. HOOS KA DAAWO...