Arbaco 11 Nov 2026 {HMC} Dhowrkii maalmood ee u dambeeyay waxaa dhacay isbeddello muujinaya in siyaasadda caalamku gashay marxalad cusub. Mareykanka waxaa gudaha ka wiiqay natiijada doorashada, Iiraan waxay weli haysataa awood ay ku carqaladayn karto dhaqaalaha caalamka, Ruushka iyo Ukraine waxay dib ugu laabteen wadaxaajood, halka Israa’iil ay doorashadii ka dhacday ay baalasha biyo iga diray Netanyahu.
Dhacdooyinkani waxay leeyihiin xiriir muhiim ah. Waxay dhammaantood muujinayaan in quwaduhu ay dib u eegayaan awooddooda iyo sida ay u gaari karaan danahooda iyaga oo aan gelin dagaallo aan dhammaad lahayn.
𝐓𝐫𝐮𝐦𝐩 𝐨𝐨 𝐰𝐚𝐣𝐚𝐡𝐚𝐲𝐚 𝐜𝐚𝐝𝐚𝐚𝐝𝐢𝐬 𝐠𝐮𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐡
Doorashadii dhexe ee 3-dii November waxaa si weyn ugu guuleystay xisbiga Dimuqraadiga. Waxay la wareegeen labada aqal ee Kongareeska, iyagoo Jamhuuriga ka qaaday aqlabiyaddii ay ku lahaayeen baarlamaanka.
𝐌𝐚𝐱𝐚𝐲 𝐭𝐚𝐧𝐢 𝐤𝐚 𝐛𝐞𝐝𝐝𝐞𝐥𝐚𝐲𝐬𝐚𝐚 𝐬𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚?
Trump weli waa madaxweynaha, wuxuuna sii maamuli karaa ciidanka iyo siyaasadda dibadda. Laakiin wuxuu waayi doonaa xorriyaddii siyaasadeed ee uu ku riixi karay sharciyada iyo miisaaniyadda isaga oo aan mucaaradad xooggan la kulmin.
Arrintan waxay si gaar ah muhiim ugu tahay dagaalka Iiraan. Qiimaha shidaalka iyo kharashka dagaalka ayaa ka mid ahaa waxyaabaha saameeyay codbixiyayaasha. Sidaas darteed, Trump wuxuu hadda wajahayaa laba cadaadis oo isku mar socda, cadaadiska dagaalka dibadda iyo mucaaradad xooggan oo gudaha ah.
𝐈𝐢𝐫𝐚𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐚𝐚𝐧 𝐰𝐞𝐥𝐢 𝐥𝐚 𝐣𝐞𝐛𝐢𝐧, 𝐚𝐰𝐨𝐨𝐝𝐝𝐞𝐞𝐝𝐚𝐧𝐚 𝐚𝐚𝐧 𝐝𝐡𝐮𝐥𝐤𝐚 𝐥𝐚 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐢 𝐤𝐚𝐫𝐢𝐧
Dagaalka Iiraan wuxuu muujiyey in dal aan la mid ahayn awoodda milatari ee Mareykanka uu haddana yeelan karo awood uu ku saameeyo dhaqaalaha dunida.
Sababtu waa adkaysiga, iska caabinta iyo marin-biyoodka Hormuz. Iiraan waxay doonaysaa in awoodda ay ku carqaladayn karto marinkan ay u isticmaasho sidii ay Mareykanka ugu qasbi lahayd inuu aqbalo shuruudaheeda.
Tehran waxay dalbanaysaa in la qaado xayiraadaha dhaqaale, la joojiyo xannibaadda dekedaheeda, lana helo heshiis ku saabsan amniga gobolka iyo barnaamijkeeda nukliyeerka.
Mareykanku , wuxuu maalin ka hor u gudbiyay Qatar iyo Pakistan, farriin uu ku sheegay inuu Iiraan ka qaadayo xannibada dekedaha, fasaxayo 9 bilyan oo ka mid ah lacagaha ka xanniban, taa beddelkeedana Iiraan looga baahanyahay inay furto marin-biyoodka Hormuz.
𝐑𝐮𝐮𝐬𝐡𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐔𝐤𝐫𝐚𝐢𝐧𝐞 𝐨𝐨 𝐫𝐚𝐚𝐝𝐢𝐧𝐚𝐲𝐚 𝐦𝐞𝐞𝐥 𝐚𝐲 𝐤𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐛𝐚𝐱𝐚𝐚𝐧
10-ka November, Abu Dhabi waxaa ka furmay wadaxaajood saddex geesood ah oo ay ka qaybgalayaan Mareykanka, Ruushka iyo Ukraine. Waa kulankii ugu horreeyay ee noocan ah muddo sagaal bilood ah.
Wadaxaajoodyadu waxay diiradda saarayaan maxaabiista, dadka rayidka ah iyo dammaanadaha amni ee Ukraine.
Hase yeeshee, dhibaatada ugu weyn weli waa dhulka. Ruushku wuxuu doonayaa in Ukraine aqbasho dhulalka uu qabsaday, halka Ukraine aysan rabin in nabad lagu beddesho dhulkeeda iyo madaxbannaanideeda.
𝐌𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐤𝐚 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚𝐧?
Mareykanku wuxuu doonayaa inuu soo afjaro dagaal muddo dheer socday oo kharash badan ku kacay, Ruushkuna wuxuu doonayaa in guulihii uu dagaalka ka gaaray loo beddelo heshiis siyaasadeed. Ukraine-na waxay raadineysaa nabad aan mustaqbalka u noqon waddo uu Ruushku mar kale ku weeraro.
Sidaas darteed, kulanka Abu Dhabi waa tallaabo diblomaasiyadeed oo muhiim ah, balse weli ma jiro heshiis lagu soo afjaray dagaalka.
𝐒𝐢𝐫𝐝𝐨𝐨𝐧𝐤𝐚 𝐑𝐮𝐮𝐬𝐡𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐝𝐚𝐲 𝐈𝐬𝐫𝐚𝐚’𝐢𝐢𝐥
Dhacdo kale oo indhaha soo jiidatay ayaa ahayd diyaaraddii milatariga Ruushka ee shalay ka degtay garoonka Ben Gurion ee Israa’iil. Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in diyaaradda ay la socdeen mas’uuliyiin uu ka mid ahaa Igor Kostyukov, madaxa sirdoonka milatariga Ruushka.
Warbixintu waxay sheegtay in booqashadu timid codsi Mareykan ah, si mas’uuliyiinta Ruushku ula kulmaan saraakiisha amniga Israa’iil, ka hor inta aysan u gudbin Abu Dhabi.
Ma cadda waxa laga hadlay, balse waxay booqashadan muujinaysaa muhiimadda xiriirrada amni ee ka dhexeeya dalalka xitaa marka ay siyaasad ahaan isku khilaafsan yihiin.
Ruushka oo xiriir dhow la leh Iiraan ayaa haddana wada-xiriir amni la yeelan kara Israa’iil. Taasi waxay ina tusaysaa in Moscow aysan doonayn in xiriirkeeda Tehran uu ka hor istaago inay la macaamisho dhinacyada kale ee gobolka.
𝐍𝐞𝐭𝐚𝐧𝐲𝐚𝐡𝐮 𝐨𝐨 𝐧𝐨𝐪𝐝𝐚𝐲 𝐠𝐨𝐫𝐠𝐨𝐫 𝐬𝐢𝐫𝐢𝐪 𝐤𝐮 𝐝𝐡𝐚𝐜𝐚𝐲
Doorashadii Israa’iil waxay Netanyahu gelisay xaalad siyaasadeed oo uusan filayn. Isbahaysigiisa ayaa ku soo haray 53 kursi, halka mucaaradku haysto 48, xisbiyada Carabtuna heleen 19 kursi. Taas macnaheedu waa in Netanyahu uusan haysan tiradii uu ku dhisi lahaa dowlad.
Waxaa intaas ka sii muhiimsan in Madaxweyne Isaac Herzog uu 8-dii November fursaddii ugu horreysay ee dhismaha dawladda siiyay Gadi Eisenkot, oo ah hoggaamiyaha mucaaradka. Maanta, 10-ka November, baarlamaanka cusub ayaa la dhaariyey, Eisenkot-na wuxuu bilaabay dadaalka uu ku doonayo inuu ku dhiso dawlad cusub.
Xisbiyada Carabta oo helay tiradii ugu badnayd ee ay abid ka helaan baarlamaanka Israa’iil ayaa hadda haysta awood siyaasadeed oo aan la iska indho tiri karin. Inkasta oo aysan weli qayb ka ahayn dawlad cusub, taageeradooda ama go’aankooda ah inaysan hor istaagin dawlad cusub ayaa beddeli kara natiijada loollanka.
Netanyahu, oo muddo dheer siyaasadda Israa’iil ku maamulayay awood iyo isbahaysiyo adag, wuxuu hadda wajahaya waqti siyaasadeed oo mugdi ah. Eisenkot wuxuu haystaa ilaa 6-da December , iyadoo loo kordhin karo 20-ka December, si uu dawlad u soo dhiso.
Arrintani waxay sidoo kale muhiim u tahay Trump. Labada hoggaamiye waxay muddo isku dayayeen inay awoodda siyaasadeed iyo tan milatari u adeegsadaan sidii ay u gaari lahaayeen ujeeddooyinkooda Bariga Dhexe.
Hadda labaduba waxay wajahaan xaddidaadyo siyaasadeed oo gudaha ah. Trump wuxuu lumiyay aqlabiyaddii Kongareeska, Netanyahu-na waxaa laga qaaday fursaddii koowaad ee dhismaha dawladda.
𝐆𝐞𝐞𝐬𝐤𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐥𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐬𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲
Marka laga yimaaddo Bariga Dhexe iyo Yurub, Geeska Afrika wuxuu noqday meel ay quwaduhu ku tartamayaan dekedaha, marin-biyoodka, saldhigyada milatari iyo saameynta siyaasadeed.
Imaaraadku wuxuu leeyahay dano dekedaha Berbera Somaliland, Boosaaso iyo Kismaayo, halka Turkigu xiriir milatari iyo mid dhaqaale oo xooggan la leeyahay dawladda federaalka Soomaaliya. Masar waxay danaynaysaa amniga Badda Cas iyo xiriirka ay la leedahay Soomaaliya, Itoobiya-na waxay raadineysaa marin ay ku gaarto badda.
Tartankaas waxaa sii adkeeyay khilaafka siyaasadeed ee Soomaaliya. Dawladda federaalka iyo mucaaradku waxay isku hayaan dastuurka, doorashada iyo awoodda dawladda, halka maamul-goboleedyaduna ay qayb ka yihiin loollanka.
Warbixin ay soo saartay Chatham House ayaa tilmaantay in xiriirka Turkiga iyo dowladda federaalka, iyo kan Imaaraadka iyo qaar ka mid ah maamul-goboleedyada, uu sii adkaynayo khilaafka gudaha.
Hadda fursada la sugaya waa sida ay suragal ku noqon karto inuu qabsoomo kulan uu ku baaqay madaxweyne Xasan Sheekh oo la qorsheeyay inuu Muqdisho ka dhici karo 14-ka ilaa 18-ka November , halka taliyayaasha amniga ay ku biireen iskudayga lagu gaarayo isfahan siyaasadeed, iyagoo xubnaha mucaaradka ee Muqdisho ku sugan u bandhigay warbixinno la xiriira khatarta amni ee dalku ka wajahayo khilaafka siyaasadeed iyo inay sare martay faragelinta dibadda oo ku dhaweynaysa dalka inuu noqdo mid kala daata.
Madaxweyne Xasan,oo Turkiga gaaray ayaa raadinaya hab uu Erdogan ku qancin karo inuu Turkiga si dhammeystiran ula wareegay nabad ilaalinta Soomaaliya iyo inuu gacan la gaystay marxaladan inay Addis Ababa wada shaqeyn karaan , si looga hortaggo Addis inay marin u noqoto taageerrada dhaqdhaqaaqyada ka socda Hiiraan iyo Bay.
Halkaas ayaa ah meesha ay arrimahan caalamiga ahi ku soo dhammaanayaan Soomaaliya. Haddii hoggaanka dalka uu ku guuleysto heshiis siyaasadeed, Soomaaliya waxay yeelan kartaa awood ay ku ilaaliso danaheeda marka quwaduhu ku tartamayaan gobolka.
Haddii khilaafku sii socdo, dhinacyada Soomaalida ayaa sii raadsan kara taageero dibadeed, taas oo khilaafka gudaha ka dhigi karta mid ka adag sidii hore.
W/Q Iman Jamac

