Arbaco 11 Nov 2026 {HMC} Sida ay sheegtay warbaahinta Al Jazeera, dawladda Suuriya ayaa xaqiijisay in ay sarkaal ciidan u dirtay dalka Sucuudiga sidoo kalena la filayo in ay ciidamo kale oo Suuriya ka socdaa ay gaadhaan gudaha Sucuudiga.
Suuriya waxay beenisay in ciidanka ay halkaas u dirtay ay la dagaallami doonaan kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen oo xilligan dagaal kula jirta dalka Sucudiga, waxana ay sheegtay in uu ku kooban yahay iskaashiga difaac oo keliya.
Al Jazeera, waxa ay sidoo kale shaaca ka qaaday in ciidamada Suuriyaan ah ee dhankaas loo diray ay tababar siin doonaan kuwa Sucuudiga, arrinkan ayay Riyaad doonaysaa in ay Dimishiq ugu beddesho taageero dhaqaale si dib loogu dhiso dalka Suuriya.
Waxa xusid mudane, in dalka Suuriya uu soo maray 13 sano oo dagaal halka Sucuudigu aanu gelin wax dagaal sokeeye ah Isla markaana uu ka mid yahay dalalka ugu badan ee hub ka soo iibsada waddamada reer Galbeedka.

