Khamiis 5 Nov 2026 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qaybgalay munaasabadda caleemo-saarka Hoggaanka la doortay ee Dowlad Goboleedka Galmudug, taasi oo ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.
Madaxweynaha ayaa bogaadiyey doorashooyinkii taariikhiga ahaa ee sida nabadda iyo ilbaxnimada leh uga qabsoomay Galmudug, kuwaasi oo laba jeer oo xiriir ah muujiyey horumarka laga gaaray geeddi-socodka dimuqraadiyeynta iyo hirgelinta hannaanka doorashooyinka qof iyo cod, isaga oo hambalyo u diray hoggaanka cusub ee ku yimid codka shacabka Galmudug.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa khudbaddiisa ku dul istaagay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan dadaallada lagu xaqiijinayo amniga, dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, xoojinta dowladnimada, horumarinta dimuqraadiyeynta iyo qorshaha dalka looga hirgalinayo doorashooyin toos ah ee muwaadiniintu ku dooranayaan hoggaankooda.
Madaxweynaha ayaa xusay in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay dhageysiga iyo tixgelinta aragtiyada siyaasadeed ee kala duwan, isaga oo hoosta ka xarriiqay in aan marnaba laga tanaasulkarin mabda’ shacabka soomaaliyeed dib loogu celinayo xaqooda dastuuriga ah ee doorashada hoggaankooda.

