isniin 2 Nev 2026 {HMC} Dowladda Hindiya ayaa shaacisey in ay xoog kaga furatay burcad-badeedda Soomaalida markabka Azini oo laga leeyahay dalka Iiraan, kaas lagu haystay xeebaha bari ee Puntland, waxa Hindiya sida oo kale ay gacanta ku dhigtay qayb ka mid ah burcad-badeedda.
Wasiirka Difaaca Hindiya, Rajnath ayaa sheegey in ay howlgal bad & cir ah ku furteen markabka ayna sii wadayaan in ay tallaabooyin adag ka qaadaan guud ahaan burcad-badeeda Soomaalida.
Hindiya ayaa gacanta ku haysa boqolaal burcad-badeed Soomaali ah, kuwaa oo u badan deegaannada Puntland.


