Wasiirka beeraha Soomaaliya oo loo qabtay 48 saacadood.

Arbaco 14 October 2026 {HMC} Guddiga Beeraha, Horumarinta Reer Miyiga, Xoolaha iyo Khayraadka Badda ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Wasiirka Beeraha iyo Waraabka ka dalbaday inuu 48 saacadood gudahood ku soo gudbiyo dukumentiyada xubnaha Golaha Hagista Hay’adda Sharciyeynta Adeegyada iyo Baaritaanka Beeraha Soomaaliyeed (SARIS), si loo hubiyo in xulistooda loo maray habraaca sharciga.

Guddiga ayaa sheegay in dukumentiyada uu dalbaday ay ka mid yihiin aqoonsiga xubnaha, shahaadooyinkooda waxbarasho, warqadaha dembi la’aanta, taariikh-nololeedyada iyo warqadaha asluub-wanaagga ee Guddiga Shaqaalaha Rayidka Qaranka.

Talaabadan ayaa yimid kaddib markii wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya uu ka jawaabay codsi hore oo guddigu ku doonayay xogta xubnaha loo xulay golaha hagista hay’adda.

Sida ku cad warqadda guddiga ee 13-kii Oktoobar, wasiirku wuxuu ku dooday in helitaanka macluumaadka shaqsiyaadka uu u xulay golaha aanu ka mid ahayn shaqada guddiga.

Wali guddiga ayaa ku adkaystay in codsigiisu waafaqsan yahay awoodaha dastuuriga ah ee Baarlamaanka, isaga oo tixraacay qodobka 95aad ee Dastuurka Federaalka Soomaaliya, kaas oo dhigaya in labada gole ee Baarlamaanku ay awood u leeyihiin korjoogteynta iyo baaritaanka hay’adaha dowladda.

Guddigu wuxuu sidoo kale soo xigtay qodobka 59aad ee xeer-hoosaadka Golaha Shacabka, kaas oo u oggolaanaya guddiyada baarlamaanka inay dowladda iyo hay’adaha kale ka dalbadaan xog iyo warbixinno ay ugu baahan yihiin gudashada waajibaadkooda.

Codsiga xogta ayaa la xiriira hubinta in dhismaha Golaha Hagista SARIS loo maray sharciga tirsigiisu yahay LR.32, ee la soo saaray 24-kii Diseembar 2024, kaas oo lagu aasaasay hay’adda, gaar ahaan qodobka 7aad ee qeexaya shuruudaha xubinnimada golaha.

SARIS ayaa ah hay’ad sharciyeysa adeegyada iyo baaritaanka beeraha Soomaaliyeed, waxaana guddigu sheegay inay maamul ahaan ka madax-bannaan tahay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka, inkasta oo ay siyaasad ahaan hoos timaaddo wasaaradda.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Pakistan oo Cumaan kala Hadashay Joojinta Weerarrada Xuutiyiinta ee Sacuudiga.

Arbaco 14 October 2026 {HMC} Dowladda Pakistan ayaa Dowladda Cumaan kala hadashay sidii ay xuutiyiinta u joojin lahaayeen weerarada ay ku hayaan Wadanka Sacuudiga. Dowladda...