Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo Guddoomiyay Shir Muhiim ah oo WHO ku Qabtay Dalka Masar.

Arbaco 14 Octobar 2026 {HMC} Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, H.E. Dr. Cali Xaaji Aadan Abuubakar, ayaa guddoomiyay kulammo muhiim ah oo ka tirsan Shirka 73aad ee Guddiga Gobolka Bariga Mediterranean-ka ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO EMRO), kaas oo ka socda magaalada Qaahira ee dalka Masar.

Guddoominta Wasiirka ayaa muujinaysa doorka hoggaamineed ee Soomaaliya iyo kaalinta ay ku leedahay go’aan-qaadashada iyo jihaynta siyaasadaha caafimaadka ee heer gobol, iyadoo Soomaaliya ay sii xoojinayso matalaaddeeda iyo saamaynteeda fagaarayaasha caafimaadka caalamiga ah.

Shirkan oo sannad walba ay isugu yimaadaan wakiillada 22 dal oo ku mideysan Gobolka Bariga Mediterranean-ka ee WHO, ayaa lagu gorfeeyaa arrimaha ugu waaweyn ee caafimaadka, laguna dejiyaa go’aanno iyo istaraatiijiyado lagu horumarinayo caafimaadka malaayiin qof oo ku nool gobolka.

Soomaaliya ayaa maanta ka mid ah dalalka codkooda iyo kaalintooda hoggaamineed ay ka muuqdaan shirarka caafimaadka ee heer gobol iyo heer caalami, taas oo ka tarjumaysa dadaallada lagu xoojinayo diblomaasiyadda caafimaadka iyo iskaashiga caalamiga ah

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Wasiirka beeraha Soomaaliya oo loo qabtay 48 saacadood.

Arbaco 14 October 2026 {HMC} Guddiga Beeraha, Horumarinta Reer Miyiga, Xoolaha iyo Khayraadka Badda ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Wasiirka Beeraha iyo Waraabka ka dalbaday...