Ciidanka Daraawiishta Wanlaweyn oo Howlgallo Amni Sameeyey.

Arbaco 14 Octobar 2026 {HMC}  Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Degmada Wanlaweyn, Dhamme Suleymaan Maxamed Yare, ayaa maanta howlgal lagu xaqiijinayo amniga ka sameeyey deegaannada hoos yimaada degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalkan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo amniga, laguna xaqiijinayo nabadgelyada shacabka ku nool degmada Wanlaweyn iyo deegaannada ku xeeran.

Ciidamada Daraawiishta ayaa howlgallada noocan oo kale ah u sameeya sidii loo adkeyn lahaa amniga guud, looga hortagi lahaa falalka amni-darrada ah, loona xaqiijin lahaa in shacabka ay ku noolaadaan jawi nabdoon oo xasilloon.

Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Degmada Wanlaweyn, Dhamme Suleymaan Maxamed Yare, ayaa hoggaaminaya dadaallada lagu xoojinayo amniga degmada iyo deegaannada hoos yimaada.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Wasiirka beeraha Soomaaliya oo loo qabtay 48 saacadood.

Arbaco 14 October 2026 {HMC} Guddiga Beeraha, Horumarinta Reer Miyiga, Xoolaha iyo Khayraadka Badda ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Wasiirka Beeraha iyo Waraabka ka dalbaday...