Arbaco 14 Octobar 2026 {HMC}Â Maayirkii hore ee magaalada Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge ayaa ka hor yimi soo jeedintii madaxweyne Trump ee la xidhiidhay in Somaliand ka guurto magaceeda Somaliland.
Mooge waxa uu sheegay in Trump aanu Somaliland u yeedhin karin magaca ay la baxayso balse isaga looga baahan yahay oo keliya in aqoonsi buuxa siiyo Somaliland, isaga oo magaca Somaliland ku sifeeyey in uu yahay magac ku fadhiya qiiimo aad u badan iyo xasuuso taariiikheed oo si fudud aan loo tir tiri karin.
24-kii saacadood ee la soo dhaafay doodda ugu badan ee ka socota baraha bulshada ayaa ahayd in magaca laga beddelo Somaliland iyada oo dad badani u riyaaqeen soo jeedintii Trump halka kuwa kalena ay gaashaanka u daruureen arrimaha magac ka beddelista Somaliland.

