Jimco 9 Oct 2026 {HMC} Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Dawlad Goboleedka Waqooyi Bari ayaa soo saaray ammaro safar oo kusaabsan gaadiidka iyo garoonada ku kala yaal Muqdisho iyo Laascaanood.
Ammaradan ayaa dabajooga dhacda amni oo ka dhacday garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho, maalinimadii Axadda ee 4-ta bishan, xilli uu garoonka ka dhoofayay Madaxweyanaha Waqooyi Bari, Cabdiqaadir Firdhiye.
Sida ilo kala duwan oo ka tirsan Waqooyi Bari iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya u xaqiijiyeen Warbaahinta waxaa jiray shaki ka dhashay shaqsiyaad hubaysan oo raaci lahaa diyaaraddii uu ku safri lahaa Madaxweyne Firdhiye.
Shaqsiyaadkan ayaa looga shakiyay inay waxyeelo amni u gaystaan diyaaradda, halka warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in diyaaradda loo qorsheeyay afduub, hase ahaatee ay laamaha ammaanku ka hortageen.
Dowladda Federaalka iyo hay’adaheeda amniga ayaa ku dadaalay in hoos loo dhigo warkan, waxaana laga tiray baraha Internet ka warqad uu soo saaray Maareeye Ku Xigeenka Duulista Hawada.

