Talaado 6 Oct 2026 {HMC} Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa khudbad taariikhi ah ka jeediyey Shirweynaha 153-aad ee Midowga Baarlamaanada Adduunka (IPU), oo si rasmi ah uga furmay magaalada Arusha ee dalka Tanzania.
Guddoomiye Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo khudbaddiisa diiradda ku saaray arrimo muhiim u ah mustaqbalka dalalka iyo xoojinta iskaashiga baarlamaannada caalamka, ayaa ugu horreyn Dowladda iyo shacabka Tanzania uga mahadceliyey martigelinta shirka iyo soo dhoweynta diirran ee ay u sameeyeen wafuuda kala duwan ee shirka ka qeybgaleysa.
Sidoo kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa khudbadiisa kusoo bandhigay himilada Soomaaliya ee ku aaddan dhismaha Baarlamaan madax-bannaan, hufan, loo dhan yahay, shacabka u dhow, kaalin muhiim ahna ka qaata dowlad-dhiska, horumarinta dimuqraadiyadda iyo xoojinta isla xisaabtanka.
Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay ku talaabsatay geeddi-socod dimuqraadiyadeed oo ay qayb muhiim ah ka yihiin doorashooyinka tooska ah, islamarkaana Doorashooyin deegaan oo toos ah ay ka dhaceen Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho iyo sidoo kale Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug, sidoo kalena geeddi-socodka doorashooyinka uu meelo kale ka sii socdo.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa tilmaamay in mudnaan gaar ah la siiyo xoojinta hay’adaha, wada-hadalka siyaasadeed iyo ka-qaybgalka shacabka, islamarkaana Soomaaliya ay ka go’antahay in Baarlamaanku noqdo hay’ad ilaalisa danaha shacabka Soomaaliyeed, xoojisa kalsoonida hay’adaha Qaranka, dowladdana lagula xisaabtamo, taasi oo kaalin muuqata ka qaadan karta dhismaha Soomaaliya nabdoon, horumarsan oo barwaaqo ah.
Shirweynaha 153-aad ee Midowga Baarlamaanada Adduunka (IPU) oo ay ka qeyb galayaan madax iyo wakiillo ka socda baarlamaannada dalalka caalamka ayaa sanadkan diirada lagu saarayaa Horumarinta dowlad-wanaagga, iskaashiga baarlamaannada iyo awood-siinta bulshooyinka, iyadoo loo marayo ka-qaybgal loo dhan yahay, kalsooni iyo fursado loo siman yahay.

