Talaado 6 Oct 2026 {HMC} Kenya ayaa maanta xaqiijisay kiiskii ugu horreeyay ee Ebola oo qof ugu geeriyooday gudaha Kenya, kaas oo ah muwaadin Kenyan ah oo toddobadii sano ee la soo dhaafay ku noolaa Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC).
Wasiirka Caafimaadka Kenya, Aden Duale, ayaa sheegay in bukaanka, oo xanuunsanaa muddo bil ah, laguna daweeyay dhowr isbitaal oo ku yaalla DRC, uu dhintay maalmo kadib markii uu yimid Nairobi.
Duale ayaa sheegay in bukaanku uu Sabtidii yimid Nairobi isagoo adeegsanaya diyaarad, isla markaana baaritaankii caadiga ahaa ee caafimaadka lagu sameeyo dadka imanaya garoonka diyaaradaha ee Nairobi uu maray. Kadib, qof ehelkiisa ah ayaa u qaaday isbitaal.
Baaritaanno la sameeyay ayaa xaqiijiyay inuu qabo fayraska Ebola ee nooca Bundibugyo.
In ka badan 4,000 qof ayaa sanadkan Ebola ugu dhintay DRC,taasoo ka dhigtay tirii ugu badnayd oo sannad u geeriyoota Ebola.

