Isniin 5 Oct 2026 {HMC} Abiy Axmed oo mar kale Ra’iisul Wasaare loo magacaabay Dalka Ethiopia iyo Axmed Shide oo Guddoomiye Baarlamaan loo doortay.
Baarlamaanka Itoobiya ayaa markale Abiy Axmed u magacaabay Ra’iisul Wasaaraha dalka, isaga oo helaya muddo xileed cusub oo shan sano ah. Abiy Axmed ayaa maanta loo magacaabay xilka Ra’iisul Wasaaraha, kaddib doorashadii guud ee dalka ka dhacday.
Magacaabistan ayaa meesha ka saaraysa hadal-hayntii la xiriirtay in Abiy Axmed loo dooran karo Madaxweynaha Itoobiya.
Dhinaca kale, Golaha Shacabka Baarlamaanka Itoobiya ayaa Axmed Shide, oo muddo dheer ahaa Wasiirka Maaliyadda dalka, u doortay Guddoomiyaha Golaha Shacabka.
Axmed Shide ayaa xilka kala wareegaya Tagesse Chafo, oo Golaha Shacabka hoggaaminayay tan iyo bishii Oktoobar 2018.
Axmed Shide ayaa Wasiirka Maaliyadda Itoobiya ahaa tan iyo Oktoobar 2018, ka hor inta aan maanta loo dooran Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

