Maamulka Koonfur Galbeed oo sheegtay in 40 Al-Shabaab ah ay ku dileen Dagaalkii Magaalada Baydhabo.

Jimco 4 Sep 2026 {HMC} Madaxtooyada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay ka hortageen weerar ay Al-Shabaab ku qaadeen magaalada Baydhabo, iyadoo sheegtay in weerarka lagu dilay in ka badan 40 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab.

War-saxaafadeed ay soo saartay Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay in kooxda Al-Shabaab ay weerarka soo qaaday laba jiho, iyadoo la adeegsanayay gaadiid ay ka buuxaan waxyaabaha qarxa.

Bayaanka waxa lagu sheegay in ciidamadeeda ay si degdeg ah uga jawaabeen weerarka, isla markaana ay qaadeen tallaabooyin looga hortagayo in kooxda ay waxyeello u geysato shacabka iyo ciidamada ammaanka.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, in ka badan 40 dagaalyahan oo Al-Shabaab ah ayaa lagu dilay weerarka, halka tiro kale lagu dhaawacay. Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale sheegtay in ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen hub iyo saanad ciidan oo laga qabsaday kooxda.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa tacsi u direy ciidamadii iyo shacabka ku dhintay weerarka, iyadoo Alle uga baryeysa naxariis iyo Janno, halka dhaawacyadana ay sheegtay in la daryeelayo.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in dowladda ay sii wadi doonto dadaallada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo sugidda amniga Baydhabo iyo guud ahaan deegaannada Koonfur Galbeed.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Indheergaradka Reer Hirshabelle oo Talo u soo-jeedin Gudoomiyaha iyo Gudiga Fulinta JSP

Friday 4 Sep 2026 {HMC}  Indheergaradka Reer Hirshabelle oo Soo Saaray Talo-soo-jeedin Ku Saabsan Cidda Ku Habboon Hoggaaminta Maamulkaas, madaamada hogaanka hada joogo uu...