Baydhabo: Maamulka Koonfur Galbeed oo sheegay inay fashilisay weerar Al-Shabaab.

Khamiis 3, Sep 2026 {HMC} Afhayeenka ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay aroornimadii isku dayday inay weerar ka geysato magaalada, isagoo ku eedeeyay kooxda inay dooneysay inay cabsi iyo qalqal geliso shacabka.

“Saaka aroornimadii magaalada Baydhabo duullaan nacasnimo ah ayuu ku soo qaaday nabad-diidka kooxda Al-Shabaab, iyadoo ujeeddadeedu ahayd inay bulshada nabadgelyadeeda qalqal geliso,” ayuu yiri Maxamed Sheekh Cabdullaahi.

Wuxuu sheegay in ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, ciidamada qalabka sida iyo ciidamada Koonfur Galbeed, oo taageero ka helaya shacabka, ay ka hortageen weerarka, ayna soo afjareen.

Afhayeenka ayaa sidoo kale fariin u diray Al-Shabaab, isagoo sheegay in aysan rajayn karin inay dib u carqaladeeyaan amniga magaalada Baydhabo.

“Rajadiinna iyo qalbigiinna ha ka go’o inaad Baydhabo arbushataan ama aad dadkeeda weerartaan. Tallaabada maanta ciidamada xoogga dalka ay idin siiyeen guud ahaan ha idiin noqoto cashar,” ayuu yiri.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Indheergaradka Reer Hirshabelle oo Talo u soo-jeedin Gudoomiyaha iyo Gudiga Fulinta JSP

Friday 4 Sep 2026 {HMC}  Indheergaradka Reer Hirshabelle oo Soo Saaray Talo-soo-jeedin Ku Saabsan Cidda Ku Habboon Hoggaaminta Maamulkaas, madaamada hogaanka hada joogo uu...