Gabar Soomaali ah oo loo saadaalinayo in ay buuxiso kursiga Raysal Wasaarahii hore ee Ingiriiska Keir Starmer.

Khamiis 3, Sep 2026 {HMC} Sagal Cabdi-Wali, oo ah haweeney asal ahaan Soomaali ah, ayaa laga yaabaa inay u tartanto kursiga baarlamaanka ee deegaanka Holborn iyo St Pancras ee magaalada London, doorashada ku celiska ah ee dhawaan qabsoomi doonta, kursigaas ayaa waxa hore uu u haystay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Ingiriiska, Keir Starmer.

Sagal waxay Ingiriiska timid horraantii sagaashamaadkii iyadoo carruur ahayd, kaddib markii qoyskeedu Soomaaliya uga soo qaxay dagaalkii sokeeye iyo macaluushii dalka ka jirtay sida ay qortay warbaahinta The Telegraph.

Waxay muddo dheer taageere u ahayd Xisbiga Shaqaalaha ee Ingiriiska. Sannadkii 2022 ayay markii ugu horreysay noqotay xubin laga soo doorto Golaha Deegaanka Camden, waxaana hadda ay tahay hoggaamiyaha golahaas.

Sagal waxay sidoo kale hore u ahayd guddoomiyaha Xisbiga Shaqaalaha ee deegaanka Holborn iyo St Pancras, oo ahaa deegaanka uu Keir Starmer xildhibaan ka ahaa.

Haddii Xisbiga Shaqaaluhu u doorto inay noqoto musharraxa, Sagal waxay u tartami kartaa kursiga baarlamaanka, waxaana suuragal ah inay la tartanto Zack Polanski oo ka tirsan Xisbiga Cagaaran.

Deegaanka Holborn iyo St Pancras ayaa muddo dheer ahaa meel uu Xisbiga Shaqaaluhu ku xooggan yahay, balse doorashada ku celiska ah ayaa la filayaa inay noqoto tartan xiiso leh.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Indheergaradka Reer Hirshabelle oo Talo u soo-jeedin Gudoomiyaha iyo Gudiga Fulinta JSP

Friday 4 Sep 2026 {HMC}  Indheergaradka Reer Hirshabelle oo Soo Saaray Talo-soo-jeedin Ku Saabsan Cidda Ku Habboon Hoggaaminta Maamulkaas, madaamada hogaanka hada joogo uu...