Dowladda Ukraine oo ku dhaw in ay lumiso ciidankeeda.

Arbaco 2, Sep 2026 {HMC} Ukraine waxaa ka taagan xaalad aan caadi ahayn, hadda dagaalka Ruushka wuxuu soo muujiyay Ukraine inay ku dhawdahay dhammaan ciidankeeda inay lumisay, ka dib markii la arkay howlgallo ballaaran oo dhammaan dalka Ukraine ka socda oo lagu qabqabanayo qof kasta oo gaaray da’da uu dagaal ku gali karo.

Hay’adda askareynta Ukraine ee loo yaqaan TCC , ayaa galaysa guryaha, goobaha lagu caweeyo iyo meel kasta xataa waddooyinka, waxaana xoog lagu qabanaya qof kasta oo rag ah si furimaha dagaalka loo geeyo, maaddama ciidan badan ay saacad walba ka dhimanayaan Ukraine.

Xaaladan waxay muujinaysa marxaladda ugu adag inay Ukraine gaartay, balse waxa argagaxa leh waa falcelinta ka imaanaysa hoggaamiyeyaasha reer galbeedka ee dagaalkan ku dhiirrigeliyay Ukraine, iyagoo raadinaya waddo ay ku xannibaan Ruushka ama ay ku arkaan awoodda dagaal ee Ruushka.

Waxyar ka hor, wariye ayaa isagoo ku sugan Aqalka Cad, wuxuu Trump waydiiyay haddii uu arkay muuqaallada ka imaanaya Ukraine ee sida qasabka ragga guryaha iyo waddooyinka looga qabanayo si dagaalka ay u galaan, intaa ugama harin wuxuu weriyaha xataa u sheegay Trump , haddii muuqaallada uusan arag inuu shaqaalaha Aqalka Cad u dirayo si ay u tusaan.
Trump, wuxuu yiri; “Itus, aniguna waan baahin doonaa.

Waan ogahay muuqaalladaas, arrintoodana si weyn ayaan u maqlay.”
Dabcan, weriyaha wuxuu filanayay jawaab ka duwan tan, maaddama uu Trump yahay hoggaamiyaha ugu sarreeya reer galbeedka,waxayse jawaabtiisa noqotay wax u muuqda inuu doonayo keliya muuqaallada barihiisa inuu ku faafiyo si ay falcelin badan u helaan, mana jirin wax ballanqaad ah oo Ukraine uu u sheegay xilli ay ku jirto xaaladda ugu adag ee dal wajaho.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Madaxweynaha Kenya, oo amar ku bixiyay in la xiro ganacsiyada yaryar ee ay ajaaniibtu ku leeyihiin gudaha Kenya.

Arbaco 2, Sep 2026 {HMC} Madaxweynaha Kenya,William Ruto ayaa amar ku bixiyay in la xiro ganacsiyada yaryar ee ay ajaaniibtu ku leeyihiin gudaha Kenya,...