Qaramada Midoobay oo taageertay qorshaha Ciidanka Soomaalida kula wareegayaan mas’uuliyadda Amniga Dalka.

Arbaco 2 Sep 2026 {HMC} Qaramada Midoobay oo taageertay qorshaha Ciidanka Soomaalida kula wareegayaan mas’uuliyadda Amniga Dalka, iyagoo balllan qaaday in ay horumarin doonaan.

Xilli maalmihii la soo dhaafay la hadal hayay in la xirayo Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee loo soo gaabiyo UNSOS ayaa waxaa maanta Madaxtooyadda Soomaaliya kulan gaar ah ku yeeshay Lataliyaha Amniga Qaranka, Aweys Axmed iyo Madaxda Sare ee Xafiiskaasi.Earthquake preparedness guide

Kulan ay labada dhinac ayeesheen ayaa looga wada hadlay arrimo ay kamid yihiin taageerada Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed iyo Arrimaha la xiriira Howlgalka AUSSOM.

Madaxda QM oo ugu horreyso ku simaha Xafiiska UNSOS ee Soomaaliya, Qurat-ul-Ain Sadozai ayaa tilmaamtay in ay garab taagan yihiin Madaxbannaanida Soomaaliya gaar ahaan dib u dhiska Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya.

Lataliyaha Amniga Qaranka ayaa xusay in ay xiriir wanaagsan leeyihiin Qaramada Midoobay iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo xusay in ay sii xoojin doonaan iskaashigaasi.

Kulanka ayaa ku soo aadaya xilli dhawaan uu Mareykanka dhaqaalihii ka jartay Xafiiska Qaramada Midoobay ee UNSOS, kaasi oo ay hoos yimaadaan Ciidamada AUSSOM.

UNSOS ayaa door ka qaadata taageerada howlaha amniga Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada saadka, adeegyada taageerada iyo fududeynta hawlgallada ciidamada Soomaaliyeed.

Dowladda Federaalka ayaa wada dib u dhiska Ciidamada Soomaalida, si ay awood ugu yeeshaan la wareegida mas’uuliyadda Amniga Dalka.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Madaxweynaha Kenya, oo amar ku bixiyay in la xiro ganacsiyada yaryar ee ay ajaaniibtu ku leeyihiin gudaha Kenya.

Arbaco 2, Sep 2026 {HMC} Madaxweynaha Kenya,William Ruto ayaa amar ku bixiyay in la xiro ganacsiyada yaryar ee ay ajaaniibtu ku leeyihiin gudaha Kenya,...