RW Xamza: “Midnimada Soomaaliya waa khad cas”

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay wargeyska Al Sharq ee dalka Qatar kaga hadlay arrimo xasaasi ah oo la xiriira aqoonsiga ay Israel siisay Somaliland iyo mowqifka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya aysan ahayn arrimo laga gorgortami karo, isagoo ka digay faragelin kasta oo shisheeye oo wax u dhimi karta midnimada dalka.

Xamza Cabdi Barre ayaa sidoo kale caddeeyay in mowqifka Dowladda Federaalka Soomaaliya uu yahay mid aan isbeddelin, ayna diiddan tahay tallaabo kasta, aqoonsi kasta ama heshiis kasta oo hareer mara dowladda federaalka, isla markaana wax u dhimaya midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in aqoonsiga Somaliland uu ka tarjumayo dano istiraatiiji ah iyo isku ballaarin ay Israel ka leedahay gobolka, kuwaas oo uu sheegay in aysan dan ugu jirin shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhinaca kale sheegay in Dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay wada-hadal lagu xallinayo arrimaha gudaha dalka, balse aysan aqbali doonin faragelin shisheeye.

Wuxuu intaas ku daray in Soomaaliya ay midnimadeeda iyo madax-bannaanideeda ku difaaci doonto siyaasad, diblomaasiyad iyo sharci, iyadoo adeegsanaysa dhammaan hababka sharciga ah ee waafaqsan xeerarka caalamiga ah iyo mabaadi’da dastuurka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale xusay in Soomaaliya ay ka mid tahay dalalkii aas-aasay Ururka Midowga Afrika, isla markaana ay leedahay xuduudo caalami ahaan loo aqoonsan yahay.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

[td_block_social_counter facebook="tagdiv" twitter="tagdivofficial" youtube="tagdiv" style="style8 td-social-boxed td-social-font-icons" tdc_css="eyJhbGwiOnsibWFyZ2luLWJvdHRvbSI6IjM4IiwiZGlzcGxheSI6IiJ9LCJwb3J0cmFpdCI6eyJtYXJnaW4tYm90dG9tIjoiMzAiLCJkaXNwbGF5IjoiIn0sInBvcnRyYWl0X21heF93aWR0aCI6MTAxOCwicG9ydHJhaXRfbWluX3dpZHRoIjo3Njh9" custom_title="Stay Connected" block_template_id="td_block_template_8" f_header_font_family="712" f_header_font_transform="uppercase" f_header_font_weight="500" f_header_font_size="17" border_color="#dd3333"]

WARARKA

DFS oo codsatay in Amniga Guud lagu wareejiyo CXDS

Talaado, 1,September 2026 {HMC} Lataliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa markii ugu horreysay faahfaahin ballaaran ka bixiyay qorshaha bixitaanka ciidamada nabad...