Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran oo xaqiijiyay weerarkii Maraykanka ee Jasiiradda Lark.

Axad 30 Aug 2026 {HMC} Waaxda xiriirka dadweynaha ee Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran ayaa xaqiijisay weerarka ka dhacay Jasiiradda Lark, waxayna sheegtay in weerarka ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen “tiro yar” oo ka tirsan ciidamada Ilaalada Kacaanka iyo dadka deegaanka.

Ciidamadu waxay Maraykanka iyo Israa’iil ku eedeeyeen weerarka, iyagoo sheegay in tallaabadaas “laga jawaabi doono” isla markaana “gardarrada loo geysan doono ciqaab.”

Goor sii horreeysay ayey Wakaaladda Wararka Tasnim oo soo xiganaysa warar hordhac ah oo aan rasmi ahayn ay sheegtay in weerarka lagu dilay laba qof, halka laba kalena ay ku dhaawacmeen.

Axios iyo Al Jazeera ayaa iyaguna soo wariyay, iyagoo soo xiganaya saraakiil Maraykan ah, in ciidamada Maraykanku bartilmaameedsadeen laba qalab oo gantaallo lagu rido oo ku yaalla Jasiiradda Lark.

Sida ay sheegeen saraakiishaasi, ciidamada Ilaalada Kacaanka Iraan ayaa diyaarinayay qalabkaas si ay ugu ridaan Marin-biyoodka Hormuz.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

[td_block_social_counter facebook="tagdiv" twitter="tagdivofficial" youtube="tagdiv" style="style8 td-social-boxed td-social-font-icons" tdc_css="eyJhbGwiOnsibWFyZ2luLWJvdHRvbSI6IjM4IiwiZGlzcGxheSI6IiJ9LCJwb3J0cmFpdCI6eyJtYXJnaW4tYm90dG9tIjoiMzAiLCJkaXNwbGF5IjoiIn0sInBvcnRyYWl0X21heF93aWR0aCI6MTAxOCwicG9ydHJhaXRfbWluX3dpZHRoIjo3Njh9" custom_title="Stay Connected" block_template_id="td_block_template_8" f_header_font_family="712" f_header_font_transform="uppercase" f_header_font_weight="500" f_header_font_size="17" border_color="#dd3333"]

WARARKA

WAR DEG DEG AH Maraykanka oo weeraray Gudaha Dalka IIraan.

Axad 30 Aug 2026 {HMC} Wakaaladda Wararka Fars soo xiganaysa dadka deegaanka ayaa sheegtay, in qarax laga maqlay meel u dhow Jasiiradda Lark. Weriyaha Axios,...