Maxeey ka wada Hadleen RW Xamse iyo dhiggiisa dalka Qatar.?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan muhiim ah la yeeshay dhiggiisa dalka Qatar Mudane Sheekh Maxamed Bin Cabdiraxmaan Bin Qaasim Al Taani, kadib booqasho rasmi ah oo uu ku joogo dalka Qatar.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ay wehliyeen wasiirro iyo mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan weftiga ayaa dhiggiisa Qatar uga warbixiyay xaaladaha dhaqan-dhaqaale ee Soomaaliya, horumarraddii la gaaray sanadihii dambe iyo guulaha dhanka amniga iyo xasilloonida ee lagu tallaabsaday.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo dhiggiisa Qatar ayaa si qoto dheer uga wada xaajooday qadiyadaha caalamka ee dhanka amniga, nabadda iyo sidii la isaga kaashan lahaa xal u helista arrimaha carqaladda ku ah habsami u socodka Ganacsiga Adduunka.

Ra’iisul Wasaaraha Qatar Mudane Sheekh Maxamed, ayaa dhankiisa si weyn u boggaadiyay horumarka ay ku tallaabsatay Soomaaliya iyo wax-qabadka dowladda Soomaaliya, isaga oo adkeeyay in xiriirka labada dal uu yahay mid xooggan, kuna dhisan iskaashi iyo wax wada qabsi.

Ra’iisul Wasaaraha dalka Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa dowladda Qatar uga mahadceliyay sidii ay isu barbar taagtay madax-banaanida dhulleed iyo qaranimada Soomaaliya, markii lagu soo xad-gudbay Jamhuuriyadda, taasi oo shacabka Soomaaliyeed ay abaal uga hayaan dowladda iyo shacabka Qatar.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Iiraan oo ka walaacsan Xaalada Dalka Yemen kadib Duulaan Culus uu ku qaaday Sacuudiga.

Isniin 19 Oct 2026 {HMC} Dowladda Iiraan ayaa ka walaacsan Xaalada Dalka Yemen kadib markii Dowladda Sacuudiga ay Duulaan xoogan ku qaaday Kooxda Xuutiyiinta...