UK oo madaxda Soomaaliya ugu baaqday wada-hadal lagu xoojinayo midnimada dalka

Arbaco 26 Aug 2026 {HMC} Wasiirka Horumarinta iyo Afrika ee UK, Kirsty McNeill, ayaa madaxda Soomaaliyeed ugu baaqday inay yeeshaan wada-hadal wax dhisaya oo xoojinaya midnimada dalka, isla markaana horseedaya horumar siyaasadeed iyo heshiis guud oo ku saabsan mustaqbalka Soomaaliya.

Baaqan ayaa yimid xilli wasiiraddu booqasho ku joogto Soomaaliya, iyadoo kulan ay Muqdisho kula yeelatay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ay kaga wada hadleen mudnaanta siyaasadeed iyo amni ee dalka.

McNeill ayaa carrabka ku adkaysay in horumar laga sameeyo wada-hadalka siyaasadeed iyo qorshaha kala-guurka amniga uu muhiim u yahay sii wadidda kalsoonida iyo taageerada beesha caalamka ee Soomaaliya.

Wasiiraddu waxay sidoo kale sheegtay in UK ay weli ka go’an tahay inay Soomaaliya ka taageerto sidii loo gaari lahaa dal amni, xasillooni iyo barwaaqo leh.

Intii ay booqashada ku jirtay Muqdisho, waxay booqatay bakhaar ay leedahay Hay’adda Cunnada Adduunka (WFP), halkaas oo ay ku aragtay gargaarka la gaarsiinayo dadka ay saameeyeen abaarta iyo cunno-yarida.

UK ayaa sheegtay inay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, balse waxay tilmaantay in horumarka siyaasadeed iyo qorshe cad oo ku saabsan kala-guurka amniga ay muhiim u yihiin go’aannada mustaqbalka ee taageerada caalamiga ah.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

Xildhibaan Xaadoole oo ka hor yimid barakcinta & Dhul boobka Muqdisho

Khamiis 27 Aug 2026 {HMC} Xaflad ka dhacday degmada Warta Nabadda ee magaalada Muqdisho ayaa caawa waxaa hareeyay hadal-heyn iyo muran la xiriira hadal...